Ruushka oo duqayn culus u gaystey dhowr magaalo oo ay ku jirto caasimadda Ukraine

0

(Kyiv) 10 Okt 2022 – Bartamaha Kiev ayaa gantaalo la duqeeyey subaxnimadan, sida ay saraakiishu sheegeen. “Qaraxyo dhowr ah ayaa ku dhacay Degmada Shevchenko, oo ku taal bartamaha caasimadda.

Dhammaan adeegyada deg degga ah waa la darbay,” ayuu yiri Duqa magaalada Kyiv ee Vitaly Klitschko oo warkaa ku qoray kanaalka Telegram-kiisa.

Anton Gerashchenko, oo ah La-taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in gantaal uu ku dhacay waddada Vladimirskaya, halkaas oo uu ku yaal xafiiska ugu wayn ee adeegga amniga ama Nabad Sugidda Ukraine (SBU).

Gerashchenko ayaa muuqaallo ku faafiyey koontada uu ku leeyahay Telegram-ka kuwaasoo muujinaya daruuro qiiq ah oo cirka isku shareeraya, wuxuuna sheegay in dhowr baabuur oo rayid ah la burburiyey.

Weeraro ayaa sidoo kale laga soo sheegay bariga magaalada Dnepr, iyo qaraxyo ka dhacay Lviv, oo dhaca galbeedka Ukraine oo inta badan nabdoonaa.

Waxaa haatan qayb ahaan la hakiyey adeegyadii tareennada dhulka hoostiisa mara, iyadoo xarumahaa looga dhuumanayo gantaalaha oo ay beryahan ka nasteen magaalooyinka waawayn.

Weerarkan ayaa jawaab u ah qaraxii buunadada ugu wayn Yurub ee Crimea ku xirta Ruushka.

Hadalsame Media