Dal wayn oo NATO ka tirsan oo aan haysan rasaas ku filan 2 maalin-dagaal (Muxuu dhigayaa xeerka NATO?)

0

(Hadalsame) 10 Okt 2022 – Ciidanka Jarmanka (Bundeswehr) ayaa la sheegay inay haystaan rasaas kaliya ku filan hal ama laba maalmood oo dagaal ah, sida lagu qoray qaybta Jarmanka ah ee mareegta wararka ee Business Insider (BI) Sabtidii, iyadoo soo xiganaysa Wershadaha difaaca dalkaasi iyo ilo baarlamaan.

Sida laga soo xigtey BI, Berlin waxay si wayn uga dambeysaa ama uga dib dhacday shuruudaha NATO ee ah in dalku haysto kayd dagaal ugu yaraan 30 maalmood oo dagaal ah.

Waxaana la sheegay in dhibaatadan “lasii ogaa sanado badan,” maadaama dhoollatusyada milletari lagu arkay inaysan haysan kayd ku filan.

Waxaa kale oo kaydka sii cunay kaddib markii uu Jarmanka oo ay wehliyaan dalal kale oo reer Galbeed ihi, ay bilaabeen inay hub iyo rasaas u diraan Ukraine markii Ruushku uu soo weeraray bishii Febraayo.

Waxyaabaha ay u direen waxaa ku jirey 53,000 oo xabo oo qoryaha lidka diyaaradaha ah, 21.8 milyan oo rasaasta hubka fudud ah, iyo 50 gantaalaha dhufays-dhuleedyada aasan lagu dumiyo ah, sida ay sheegtay Dowladda Jarmanku.

Eva Hoegl, the German parliament’s defense commissioner, told BI that an additional €20 billion ($19.5bn) is needed to replenish the stocks.

Eva Hoegl, oo ah Gudoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamanka Jarmanka, ayaa u sheegtay BI in €20 bilyan oo dheeri ah ($ 19.5bn) loo baahan yahay si loo buuxiyo kaydka Ciidanka Jarmanka, halka ay DF ku dhawaaqday lacag dhan 100 bilyan oo Yuuro ($97.4 bilyan) si loo xoojiyo Ciidanka Bundeswehr.

Wasiirka Difaaca dalkaasi ee Christine Lambrecht ayaa horraantii bishan u safartay magaalada dekedda leh ee Odessa ee koonfurta Ukraine.

Safarka kaddib, waxay ku dhawaaqday in Berlin ay sii wadi doonto taageerada Kiev ilaa iyo intii loo baahdo.

Hadalsame Media