Tillaabooyin is xiga oo uu qaaday MW Xasan oo keeni kara in kabka miisaaniyadda laga goosto DF

0

(Hadalsame) 09 Okt 2022 – MW Xasan Sheekh ayaa kala diray Guddigii la Dagaallanka Musuqa & Adeegga Garsoorka ee DF Somalia.

Arrintan ayay durba si taban bulshadu uga fal-celisey, maadaama ay dhaawacayso muuqaalka musuq la dirirka iyo sidoo kale xukun wanaagga.

Yeelkeede, arrinta ugu darani waa saamaynta ay ku yeelan karto dhanka beesha caalamka gaar ahaan hay’adaha maaliyadeed sida Baanka Adduunka, IMF & kuwa QM hoos taga ee biila hay’aadka DF sida UNDP.

Dadka qaar ayaaba soo jeedinaya in arrimahani ay keeni karaan in la jaro lacagahaasi kabka miisaaniyadeed ah.

Waxaa dheer, in MW Xasan iyo RW Xamse la sheegay inay sidoo kale Bankiga Dhexe ka qaataan lacago badan oo lagu sheego kharashaad balse aan la xisaab-celin.

Dad badan ayaa sidaa darteed qaba inay tahay tillaabo aan laga fiirsan in xilligan lagu beego kala dirista labadan guddi, iyadoo ay sideedaba khalad wayn tahay in hay’ado dhan la kala diro, balse la samayn karey in guddoonka laga bedelo.

Waxaa intaa dheer, in ay aad u badan yihiin safarrada bilaa micnaha ah ee uu gaar ahaan gelayo Madaxwaynaha oo ay tahay inuu howlahan u ergeeyo xukuumaddiisa.

Madaxtooyadu ayaan sidoo kale weli helin olog maaliyadeed oo la isku hallayn karo sidii ay raggii hore u haysteen dalka Qadar oo kale waloow aysan sidii la rabey uga wada faa’iidaysan in kastoo ay waxyaabo badan ku qabsadeen.

Hadalsame Media