“Yurub oo nabad ah la heli maayo Ruush la’aantii” – Angela Merkel oo runta u sheegtay reer Galbeedka

0

(Hadalsame) 07 Okt 2022 – Nabad waarta oo Yurub laga gaaro waxaa kaliya la heli karaa oo keliya haddii Ruushku uu qayb ka yahay, sida ay sheegtay Ra’iisal-Wasaarihii hore ee Jarmanka ee Angela Merkel oo markii ugu horreeysey hadashay.

Mar ay ka hadlaysey sannadguuradii 77-aad ee wargayska Jarmabka ee ‘Suddeutsche Zeitung’, Merkel waxay sharraxday in xilli ay reer Galbeedku ay ku adkaysanayaan taageerada Ukraine oo ay geesaha iskula jiraan Ruushka, waa inay sidoo kale maskaxdeeda u furto waxa laga yaabo inay hadda u muuqato “wax aan macquul ahayn” oo ah doorka mustaqbalka ee Moscow ee arrimaha Yurub.

Waxay Merkel ku nuuxnuuxsatay in “qaab dhismeedka amniga Yurub ee mustaqbalka ee haddii la raacayo xeerka caalamiga ah uu buuxin doono shuruudaha” kaliya haddii uu qayb ka yahay Ruushka.

“Ilaa inta aynaan taas ka gun gaarin, Dagaalka Qaboobaa marna ma dhamaan,” ayuu raaciyey.

Merkel waxay ku tilmaantay duullaanka Febraayo 24 – maalintii uu Ruushku ka bilaabay ololihiisa millateri ee Ukraine – inay tahay “meel isbedel ka bilaabmayo,” iyada oo raacisay in hadallada ay jeedinayaan dhinacyada kala duwan ee dagaalka ay tahay in loo qaato “si dhab ah oo aan loo qaadan mid booto ah.”

Hadalsame Media