Sucuudiga oo qaaday tillaabo toos ah oo ka dhan ah Maraykanka oo horayba ugu caraysnaa

0

(Riyaad) 07 Okt 2022 – Shirkadda Tamarta Sucuudigs ee Aramco oo ay Dowladdu maamusho ayaa kor u qaaday qiimaha iibinta rasmiga ah ee saliidda cayriinka ah ee loo raro Maraykanka oo ay kordhisey 20 senti wixii loo gaaro bisha Nofeembar, iyadoo aan taaban qiimaha Aasiya, oo ah suuqeeda muhimka ah, Bloomberg ayaa sidaa werinaysa.

Dhanka kale, sicirka Woqooyi Galbeed Yurub iyo gobolka Mediterranean-ka ayaa isaga hoos loo dhigay.

Aramco, soo saaraha ugu wayn adduunka ee saliidda cayriinka ayaa horay toban senti uga dhintay fuustadiiba dhanka Aasiya.

Kor u kacan mutaxan ayaa sii adkaynaya xaaladda suuqa caalamiga ah ee saliidda cayriin kaddib go’aanka OPEC + ee lagu dhimayo bartilmaameedka wax soo saarka maalinlaha ah bisha soo socota oo laba milyan oo foosto laga jarayo maalintii.

Washington ayaa arrintaa horay uga carootey waxayna sheegtay inay taasi tahay “aragti gaabni” waqti wadamo badani “ay la daalaa dhacayeen qiimaha tamarta ee sare.”

Hadalsame Media