Kenya oo ku hungowdey shidaalkii ay sharci-darrada uga baaraysey dhul-badeedka Somalia

0

(Nairobi) 08 Okt 2022 – Kenya iyo Somalia ayaa si wayn ugu dooday dhul-badeed ay Kenya sheeganaysey oo ku fadhiya y 100,000 km oo laba jibaaran, balse waxay haatan ku guuldarraysatay inay shidaal iyo gaas ka hesho qayb ka mid ah dhul-badeedkaasi, sida uu qorayo Daily Nation.  

Hay’adda Maamulka Tamarta iyo Shidaalka Kenya (EPRA) ayaa sheegtay in shirkadda ENI ay joojisey sahankii ay halkaa waddey bartimihii sanadkan kaddib markii ay wax shidaal ama gaas ah ka waydey balooggaasi.

Baaritaanka oo lagu sameeyey baloogga Mlima-1 ama loo yaqaan Block L11B ayaa lagu ogaadey inaysan waxba ku jirin, taasoo soo gebagebaysey 10 sano oo ay Kenya ay si sharci-darro ah halkaas shidaal uga baaraysey, iyadoo fasaxa sahminta siisay shirkadda ENI sanaddii 2012-kii.

Kaaga darane, Kenya ayaa kordhisey dhaq-dhaqaaqyada sahminta aagga loo yaqaan Lamu Basin bishii Diseembar ee sanadkii tegey, toddobaadyo uun kaddib markii ay diiddey xukunkii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) kaasoo la ridey bishii Oktoobar, taasoo dhulka 75% u xugmiyey Somalia.

Somalia ayaa dacwadda kiiska badda u gudbisey Maxkamadda ICJ bishii Agoosto 2014, waxaana xukunka ICJ uu dhacay Oktoobar 202-kii. 

Hadalsame Media