Wiilka uu dhalay MW Uganda oo xilkii lag qaaday (Jen. Somalia kasoo dagaallamay oo lagu bedeley)

0

(Hadalsame) 05 Okt 2022 – Wiilka uu dhalay Madaxwaynaha Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa laga qaaday xilkii Taliyaha Ciidamada Dhulka ee dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee waxa loo dalacsiiyey darajada Jeneraal buuxa, oo ah darajada haatan ugu sarreeysa ee Ciidanka Dhulka dalkaasi. Waxa uuna sii ahaanayaa La-taliyaha Madaxwaynaha ee howlgallada gaarka ah.

Ma cadda in go’aankani uu wax lug ah ku leeyahay qoraalladiisii twitter-ka ee muranka dhaliyey labadii maalmood ee u dambeeyey, kuwaasoo uu ku sheegay inuu Kenya ku qabsan karo 2 todobaad iyo in kale.

Yeelkeede, Dowladda Uganda ayaa iska fogaysey doodda baraha bulshada ee ka dhalatay qoraallo is daba joog ah oo uu wiilkan uu dhalay Madaxwaynuhu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Jen Kainerugaba ayaa dhanka akle horay u ahaan jirey Taliyaha Ciidamada Gaarka ah ee qaabilsan ilaalinta Madaxwayne Yoweri Museveni.

Jeneraal Kayanja Muhanga oo hoggaaminayey howlgallada Ciidamada Uganda ee Soomaaliya, haatanna hoggaaminaya ciidamada dagaalka kula jira jabhada Allied Democratic Front (ADF) ee ka dagaallanta Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa la wareegaya xilka Taliyaha Ciidamada Dhulka.

Hadalsame Media