Inta dileen ayay deeto maydkeedii xadeen (Farriintii ugu dambaysey maxay ku sheegtay + Sababta?)

0

(Hadalsame) 05 Okt 2022 – Ciidamada ammaanka ee Iiraan ayaa waxa ay xadeen maydka gabar 16-jir ahayd oo dibadbaxaysay, waxaana ay si qarsoodi ah ugu aaseen meel tuulo ah, sid ay laanta afka Persian-ka ee BBC-da u sheegeen ilo-wareedyo ka agdhow qoyskeeda.

Qoyska ayaa waxa ay qorshaysteen inay Isniintii aasaan maydka Nika Shakarami, hase yeeshee, maydkii ayaa laga qaaday kaddibna waxaa lagu aasay tuulo 40km u jirta meesha ay ku nool yihiin, ilo-wareedka ayaa sidaas sheegay.

Nika ayaa la la’aa muddo 10 maalin kaddib markii ay ka qayb qaadatay dibadbax ka dhacay Tehraan 20-kii Sebtembar.

Farriintii ugu dambaysey ee ay u dirto qof ay saaxiibbo ahaayeen ayaa waxa ay ku sheegtay inay eryanayaan ciidamada ammaanka, eeddadeed ayaa sidaas u sheegtay BBC Persian.

Qoyska Nika ayaa ugu dambayntii waxa ay maydkeeda ka heleen goob la dhigo maydadka oo ku taalla xarun dadka lagu xiro oo magaalada caasimadda ah.

“Markii aynu damacnay inaan aqoonsanno, nooma aanay oggolaan inaan jirkeeda oo dhan aragno, wajiga oo kaliya ayay daqiiqado yar noo oggolaadeen,” ayay tiri Atash Shakarami, oo eeddo u ah Nika.

Qoyska Nika ayaa maydkeeda waxa ay Isniintii u gudbiyeen magaalada uu aabbaheed deggan yahay ee Khorramabad ee galbeedka dalkaas – maalintaas oo ay u dabaaldegi laheyd sanadguurada 17-aad ee ka soo wareegatay dhalashadeeda.

Qabri

XIGASHADA SAWIRKA,BBC PERSIAN SOURCE

Boqollaal dibadbaxayaal ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen xabaasha Khorramabad, waxaana ay ku qaylinayeen erayo ka dhan ah dowladfa oo ay ku jiraan “ha dhinto kaligii-taliyaha” – iyagoo ula jeeday hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Aayaatullaahi Khamenei.

Atash oo sawirka Nika soo dhigtay baraha ay bulshada ku xiriirto ayaa la xiray Axaddii markii ciidamada ammaanku ay galeen gurigeeda, ilo-wareed ayaa sidaas sheegay.

Ciidamada ammaanka ayaa ku hanjabay inay dili doonaan Atash haddii qof ka mid ah qoyska uu ka qeybqaato dibadbaxyada, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Mas’uuliyiinta ayaa lagu yaqaan inay maydadka dibadbaxayaasha u adeegsadaan hab gorgortan ah oo ay ku aamusiinayaan qoysaska dhibbaneyaasha.

Hadis Najafi, oo aheyd 22-jir ka dibadbaxaysay ayaa 21-kii Sebteembar waxaa toogasho ku dilay ciidamada ammaanka ee degmada Karaj ee u dhow magaalada Tehran, tanina waa hal tusaale oo kaliya.

Gabdhaha la dhashay Hadis ayaa sheegaya in madaxa iyo qoorta rasaas looga dhuftay, sidoo kalena fargan lagu dhuftay. Labo sawir oo maydkeeda laga qaaday ayaa muujinaya dhaawacyo uu farganka u gaystay.

“Maydka ayay haysteen muddo labo maalin ah, iyagoo waydiistay gabadha aabbaheed inuu dhaho waxa ay u dhimatay wadnaha oo istaagay kaddib markii ay cabsatay,” labo il-wareed oo ka agdhow qoyska ayaa sidaas u sheegay BBC Persian.

Muuqaalkii ugu dambeeyay ee ay Hadis u dirto saaxiibbadeed, oo ay heshay laanta afka Persian-ka ee BBC-da, ayay ku sheegtay: “Waxaan rajaynayaa sanado kooban kaddib markaan dib u milicsado xaaladda, inaan ku farxi doono in wax walba ay dhinaca wanaagsan isu beddeleen.”

BBC

Hadalsame Media