Dabkii xalay Kismaayo ka kacay oo ay ka dhacday arrin dadka kusoo jeedisey Axmed Madoobe (Daawo)

0

Dabkii ka kacay Kismaayo

(Hadalsame) 05 Okt 2022 – Dab xooggan oo khasaare laxaad leh gaystay, ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla caasimadda KMG ah ee Jubaland isagoo bururiyay qayb kamid ah suuqa wayn ee magaalada.

Dabkan Kismaayo ka kacay oo damintiisu ay saacado qaadatay ayaa la sheegayaa inuu dhulka dhigay ku dhowaad 4 km oo jibbaaran, taasoo ah khasaare wayn marka la eego cufnaanta suuqa.

Hanti badan ayaa halkaasi ku bas beeshay, waxaa dhanka kale arrintan ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku muujiyey dareenkiisa, isagoo u tacsiyeeyey ganacsatada ku hanti beeshay dabkan.

Ha yeeshee, hal arrin oo dareenka bulshada soo jiidatey waa muuqaal muujinaya dadka oo dabkii gacmohooda ku baqtiinaya, taasoo dib ugu noqotay isla Maamulka Jubaland ee halkaa fadhiya muddo 12 sanadood ah.

Qof ayaa soo wadaagey muuqaalka isagoo raaciyey kabshan uu ku sheegayo in Axmed Madoobe uu 12 sanadood fadhiyo Kismaayo, balse uusan xitaa hal dab-damis u diyaarin dadwaynaha.

Hadalsame Media