MW Erdogan oo jawaab kulul siiyey siyaasi ku baaqay in la mamnuuco qamaarka haweenka

0

(Ankara) 05 Okt 2022 – Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta ugu baaqay xisbiyada siyaasadda Turkiga inay abuuraan shuruuc dastuuri ah oo lagama maarmaan u ah ilaalinta qaab-dhismeedka sharciga ee ku xeeran xorriyadda haweenka ee inay xirtaan madax dabool mar uu khudbad ka jeedinayey kulanka Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (AK Party) ee talada haya kaasoo ka dhacay caasimadda Ankara.

Isagoo ka hadlayey hadalkii xisbiga mucaaradka ah ee ugu wayn oo ah xisbiga Jamhuuriga Dadka ee CHP oo dhowaan ku baaqay in wax laga beddelo xuquuqda dastuuriga ah ee ku saabsan doorashada qofka ee xirashada qamaarka ee goobaha bulshada, ayuu Erdogan wuxuu yiri: “Aan bixinno xal heerka dastuuri ah.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xarriiqay in hadda aysan jirin dhibaato arrintan ka taagnayd taasoo ay ugu wacan tahay tillaabooyinka ay qaadeen Xukuumadaha Xisbiga AK, wuxuuna yiri “Maanta arrinta qamaarku kuma jirto ajendaha ay dooddu ka joogto ee Turkiga, waxaana mahad iska leh halgankeenna iyo agaasinka aan samaynay”.

“Arrinta dharka guud ahaan iyo gaar ahaan qamaarku, waa xuquuq dabiici ah oo aanay ahayn in dastuurka ama sharci midna looga hadlo.” ayuu yiri Erdogan.

Gelinkii dambe ee isniintii, hoggaamiyaha mucaaradka ah ee CHP Kemal Kılıçdardoğlu ayaa faafiyey muuqaal uu ku sheegayo in la hakiyo wax uu ku sheegay dhaawac ku yaalla “Turkiga si qaab kalsooni leh loogu eego mustaqbalka” wuxuuna sheegay in haddii isbahaysi ka kooban lix xisbi oo mucaarad ihi ay ku guulaystaan ​​​​doorashada, ay soo afjari doonaan arrintan oo uu ula jeedo inay goobaha dadwaynaha ka mamnuucaan qamaarka.

Doodda qamaarka oo nolosha siyaasadeed ee Turkiga ka holcaysey sanadihihii 1990meeyadii ilaa 2000 taasoo u dhaxaysa kooxaha diinta u janjeera iyo cilmaaniga, ayaa waxaa markii koowaad in la mamnuuco la hirgeliyey 1980meeyadii, waxaana lasii adkeeyey 1997-kii markii ay millaterigu tuureen dowladdii muxaafidka ahayd, balse waxaa la khafiifiyey 2010-kii oo loo fasaxay inay ardaydu xiran karaan, halka 2015-kii garsoorayaasha dumarka ah loo fasaxay.

Hadalsame Media