Dal Maamulka Galmudug u dhisaya garoon casri ah (Xaflad heshiiska lagu saxiixayo oo Muqdisho lagu qabanayo)

0

(Muqdisho) 05 Okt 2022 – Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu saxiixayo Mashruuca Dayactirka Garoonka Diyaaradaha Dhuusa Mareeb “Ugaas Nuur” ee Degmada Dhuusamareeb, oo ah caasimadda Maamulka Galmudug.

Waxaa munaasabadda agaasimaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, Maamul-goboleedka Galmudug, Safaaradda Talyaaniga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Hay’adda Horumarinta Talyaaniga ee Soomaaliya (AICS).

Waxaa lagu wadaa inay munaasabadda kasoo qaybgalaan, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Md C/risaaq Maxamuud, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Maamulka Galmudug, Danjire Alberto Vecchi, Safiirka Talyaaniga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Marwo. Santa Molé, Madaxa Xafiiska, Wakaaladda Horumarinta Talyaaniga (AICS Somalia).

Munaasabadda saxiixa ayaa lagu qabanayaa Hoteelka Garoonka ee ku yaalla gaar ahaan gudaha mandiqadda AIAA, subaxnimada Jimcaha, 7 Oktoobar.

Mashruuca ayaa waxaa fulinaysa Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo kaashanaysa Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya halka Agaasinka Guud ee Horumarineed ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Talyaaniga.

Hadalsame Media