DAAWO: ”Adiga oo weli Afrika baad ka qaada cashar nooma aqrin kartid” – RW cusub ee Talyaaniga oo Faransiiska runta u sheegtay (Mar kale oo ay doodi taagan tahay)

0

(Hadalsame) 05 Okt 2022 – Haweenayda ugu sarreeysa Maamulka Ursula Gertrud von der Leyen ayaa kahor doorashadii ay kusoo bexeen xisbiyada midigta ah ee haatan Talyaaniga ka taliya ka digtey in loo codeeyo xisbiyadaa oo ay ku eedaysay inaanay u taagnayn qiyamka Yurub.

Waxaa ka daba qaaday dalka Faransiiska oo weerar ku qaaday madaxda isbahaysiga cusub sida RW Meloni, iyadoo ay weerarka ugu daran qaadday RW Faransiiska Elisabeth Borne oo sheegtay inay si dhow ula soconayaan Dowladda cusub ee Talyaaniga iyo sida ay u maarayso xuquuqaha madaniga ah sida in ilmaha la iska soo tuuro.

Waxaa misna hadlay Wasiirka Gaadiidka Faransiiska ee Clement Beaune isagoo Xisbiga Walaalaha Talyaaniga ee RW Meloni ku tilmaamay midka uu xisbiga Front National ee dalkiisa Faransiisku uu ka qalin daarto cunsuriyadda oo uga imanaysa qabrigii fajiistihii Mussolini, sida uu soo qoray.

Dagaalka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Talyaaniga, Giorgia Meloni iyo Faransiisku ma aha mid cusub, tusaale 2018-kii mar uu Macron Talyaaniga maagay ayay weerar kulul ku qaadday Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron oo horay maamulka Talyaaniga u dhaliilay isagoo ”yaqyaqsi iyo qayrul mas’uul” ku tilmaamay, maadaama ay soo dhowayn waayeen markab Afrika ka yimid oo qaxooti badan sidey.

Meloni ayaase xilligaa ka daba qaadatay iyadoo Faransiiska ku eedaysay inay yihiin kuwii Libya duqeeyey si ay meesha uga saaraan Mucamar al Qadaafi iyagoo ka cararaya inuusan Talyaanigu helin qandaraas rakhiis ah oo shidaal ah.

Waxay kale oo soo qaadatay in Faransiisku uu isagu yaqyaqsi yahay maadaama uu weli dhiig-miiranayo oo uu 14 dal oo Afrikaan ah weli lacagahooda daabaco isagoo iyaga ka qaadaya khidmo.

”Waxaad weli shaqaalaysiisaa carruurta Niger si ay kuugu qodaan khayraad dabiici ah, halkaasoo uu Faransiisku kasoo saarto 30% macdanta Uranium ee uu u baahan yahay si uu ugu shido wershadihiisa nukliyeerka, halka Niger ay 90% koronto la’aan tahay,” ayay ku qaylisay RW Meloni.

”Macron annaga cashar hanoola imanin, Afrikaanku waxay qaaraddooda uga soo cararayaan waa adiga dartaa. Xalkuna ma aha in Afrika loosoo kexeeyo Yurube waa in laga xoreeyo dalal ka tirsan Yurub,” ayay raacisay.

”Cashar adiga kaa aqbali mayno. Warkaasi ma cad yahay.” ayay xilligaa kusoo afjartay.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media