Ciidanka Kuuriyada Koonfureed oo ku ceeboobey gantaal ay ugu jawaabayeen Kuuriyada Woqooyi (Daawo tan dhacday)

0

(Gangneung) 05 Okt 2022 – Millateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa raalligelin bixiyey kaddib markii gantaal uu ridey intii lagu guda jirey dhoollatus ay samaynayeen uu dhulka ku dhacay oo burburay halkii uu hawada geli lahaa, taasoo werwer ku beertay dadka degaanka oo u maleeyey in laga soo weeraray dhanka Kuuriyada Woqooyi, oo iyadu gantaal tijaabisey gantaal subaxnimadii hore ee Talaadadii.

Dhoollatuskan tooska ah, ee ay ka qaybgaleen ciidamada ologga ah ee South Korea iyo Maraykanka, ayaa la rabey in uu ahaado mid muujinaya awoodda xulafadan, saacado uun kaddib markii Woqooyigu ay gantaal riddada dhexe ah dulmarisay woqooyiga Japan.

Taa beddelkeeda, waxay sheekadu ku dhammaatay weji gabax iyo yax yax markii gantaal uu noociisu yahay ballistic-ga ah Hyyumo-2 uu ku dhacay dhulka gudaha saldhigga Ciidammada Cirka ee u dhow magaalo-xeebeedda Kuuriyada Koonfureed ee Gangneung.

Inkasta oo aanu gantaalku qarxin, haddana sawaxanka iyo dabkii ka kacay ee ka dambeeyey ayaa sababay in qaar ka mid ah dadka degaanka Gangneung ay moodaan in Woqooyiga Kuuriya ay soo qaaday weerar kedis ah, sida ay sheegtay warbaahintu, taasoo keentay inay ciidamadu raalligelin bixiyaan.

Lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Hadalsame Media