”Waa maxay waxani?!” – Muuqaal laga arkay meelo ka tirsan Maraykanka oo dadka cabsi ku beeray & DF oo sawir soo bandhigtay + Sawirro

0

(Hadalsame) 04 Okt 2022 – Dadka ku nool magaalada saxaraha ah ee Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalka Maraykanka ayaa faafiyey sawirrada daruur u qaab eg qaaca iyo holaca ka dhashay marka ay qaraxdo bambada atoomigga ah ee nukliyeerka, iyadoo dad qaar ay cabsi ku beertay halka qaar ay kaftan ahaan usoo hadalqaadeen tijaabooyinkii Nukliyeerka, qaar kalena ay ku sheegeen markab-cireed ay wataan dad cirka kasoo dhacay.

Dadka jooga magaaladan oo lagu khamaaro islamarkaana lagu naanayso Magaaladii Dembiga ama Sin City, ayaa sawirro kasoo qaaday iyadoo ay tani noqotay hadalhayn bulsho oo aad saamayn u yeelatay.

Aragtida naxdinta leh ayaa sida muuqata waxaa sii xoojiyey fallaaraha qorrax  dhaca ee fiid-cowlka ah oo midabayn cajiib ah u yeeshay daruurta, taasoo muuqaal hurdi ah oo qaraxa nukliyeerka u eg u yeeshya.

Xafiiska San Diego ee Adeegga Cimilada Qaranka (NWS) ayaa iyaguna wadaagey sawirka, laakiin iyada oo aan lahayn midabka la yaabka leh, markii ay daruurtu u guurtay dhanka galbeedka gobolka California, si ay bulshada u dejiyaan.

Maraykanka ayaa waxa uu in ka badan kun nukliyeer ku tijaabiyey goobta tijaabada ee Nevada Test Site, taasoo 65 mayl waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Las Vegas, in ka badan afartan sano kahor, taasoo xitaa goob dalxiis oo laga daawado ka dhigta magaalada Las Vegas 1950meeyadii.

Hadalsame Media