Gujiska Belgorod oo sidda nukliyeerka dunida ugu wayn oo sababi kara bad-gariir 16,000 oo cagood ah oo aadey dhanka Ukraine + Jaantus

0

(Hadalsame) 04 Okt 2022 – NATO ay uga digtey dalalka xubnaha ka ah in gujiska Nukliyeerka casriga ah xambaarta ee Belgorod ay ka baxday saldhiggeeda Badda Cad.

Ruushku wuxuu gujiskan badda hoosteeda mushaaxa ee misna nukliyeerka adduunka ugu wayn xambaara ku daray wax lagu sheegay ”kolonyadii nukliyeerka” oo ku wajahan furimaha hore ee Ukraine.

Gujiska K-529 Belgorod waa gujiska ugu wayn adduunka. Waxay awood u leedahay in ay qaado nukliyeerka loo yaqaan “qiyaamaha” ee Poseidon, kaas oo sida uu Ruushku sheegay, kicin kara bad-gariir ama sunaami 1,600-cagood oo magaalo xeebeedyo badan biyaha ku dari kara kana dhigi kara meel lama degaan ah oo aan la noolaan karin muddo tobanaan sano ah.

Gantaalkan oo torpedo ah maadaama gujis laga ganayo ayaa dhererkiisa lagu sheegay 20 mitir, isagoo wax ka dili kara fogaan dhan 10,000 oo km ka xagge.

Gujiska nukliyeerka sida ee Belgorod ayaa la sheegayaa in maadaama uu kasoo tegey saldhiggiisa Badda Cad, ay taasi muujinayso inuu xaalku xaraar yahay iyadoo ay NATO ka digayso in ugu yaraan la tijaabin karo Poseidon.

Marka la eego xeerka u degsan duruufaha adeegsi ee nukliyeerka Ruushka, waxaa kaliya loo baahan yahay in DF Ruushku ay dareento inuu halis jiritaan ku jiro dalka Ruushku, taasoo uu MW Putin dhowr mar ka hadlay, isagoo reer Galbeedka ku eedeeyey inay xitaa doonayaan inay Ruushka qaybiyaan oo kala jarjaraan.

Hadalsame Media