Ukraine oo durba bilowday inay dadka u qaybiso kaniini looga gaashaanto nukliyeerka (Muxuu ka tari karaa?)

0

(Kyiv) 04 Okt 2022 – Maamulka magaalada Kyiv ayaa sheegtay in ay qaybinayso kaniiniyada potassium-ka ee loo yaqaan ‘potassium iodine’ oo la dhigayo xarumaha dadku ay gantaalaha uga dhuuntaan, si loogu diyaar garoobo weerar nukliyeer ah oo uu Ruushku ka gaysto caasimadda Ukraine.

Kiniinnada potassium iodine ayaa waxay qofka ka caawin karaan inuu jirkiisu iska xiro nuugista shucaaca waxyeelada leh ee qanjirka candhuufeedka thyroid-ka haddii la qaato kahor ama islamarka uu qofku u ban-bixi rabo shucaaca kaah-falka nukliyeerka.

Kiniinnadan ayaa waxaa loo qaybin doonaa dadka deggan meelaha ay wasakheeyaan shucaaca nukliyeerku haddiiba ay dhacdo baahi noocaas ah oo daruuri noqonaysa haddii uu dhaco weerar nukliyeer ah, sida uu bayaan ku sheegay Maamulka magaalada Kyiv ee caasimadda ah.

MW Vladimir Putin oo aanu sidii uu doonayey u noqon dagaalka Ukrane ayaa la fahamsan yahay inay ku adag tahay inuu 7 bilood kaddib fara maran kala laabta dalkaasi, iyadoo ay sirdoonka Galbeedku sheegayaan inuu samayn karo duqayn nukliyeer ah oo kooban, si uu farriin adag ugu digo Ukraine iyo Galbeedka.

Haatan waxaa sheekada soo gashay Gujiska K-529 Belgorod oo ah gujiska ugu wayn adduunka islamarkaana awood u leedahay in ay qaado nukliyeerka loo yaqaan “qiyaamaha” ee Poseidon, kaas oo sida uu Ruushku sheegay, kicin kara bad-gariir ama sunaami 1,600-cagood oo magaalo xeebeedyo badan biyaha ku dari kara kana dhigi kara meel lama degaan ah oo aan la noolaan karin muddo tobanaan sano ah.

K-329 Belgorod waxay iyada dhamiba soo shaqo gashay Luulyo 2022, waxayna hadda kusii siqaysaa dhanka Kara Sea si ay u tijaabiso daroon nukliyeer ah oo Poseidon la yiraahdo.

Hadalsame Media