Dal Yurub ah oo diidey dalab ka yimid Ukraine oo ah in lagu wareejiyo hantida Ruushka ee halkaa taalla

0

(Hadalsame) 04 Okt 2022 – Dowladda dalka Ukraine ayaa wadda qorshe ay ku sheeganayso hantida ma guurtada ah iyo lacagta ee ay leeyihiin dadka ama Dowladda Ruushanka ee dibedda taalla.

Dalka Switzerland ayaa haatan iska diidey codsi ka yimid Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky oo doonayey in lagu wareejiyo hantida Ruushka ee la fariisiyey, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Waaxda Federaalka ee Arrimaha Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Cilmi-baarista, Fabian Maienfisch, oo la hadlay RIA Novosti.

“Dowladda Switzerland ahaan, la wareegida hantida in Ruush leeyahay ama lagu daro liiska cunaqabataynta iyo u adeegsiga dib-u-dhiska Ukraine hadda maaha ikhtiyaar taageero loogu muujin karo Ukraine,” ayuu yiri Maienfisch.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Zelensky uu todobaadkii hore ka codsaday Switzerland in la xannibo hantida Ruushka kaddibna lagu wareejiyo Ukraine.

Maaha markii ugu horreeysey ee Kiev ay dalbato in hantida Ruushka ee ay leeyihiin dadka hodanka ah iyo kaydka bangiga dhexe ee dalkaasi, iyaga lagu wareejiyo.

Bishii Maajo, isagoo ka hadlaya Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Zelensky wuxuu yiri “hantida Ruushka waa in lasoo qabtaa oo lala wareegaa.”

Hadalsame Media