5 hab-dhaqan oo haddii la joogteeyo kaa caawin kara kahortagga wadne xanuunka

0

(Hadalsame) 04 Okt 2022 – Dhaqaatiirta ayaaa aminsan in walaaca uu aad sameeyo wadnaha taasi oo horseedi karta in dhibaatooyin caafimaad oo aad u daran ay soo wajahaan qofka, sida faaligga iyo dhiig karka.

Cilmi-baaris la daabacay sannadihii ugu dambeeyay waxay muujineysaa sida walaaca uu saameyn toos ah ugu leeyaha  wadnaha.

Warka wanaagsan ayaa ah in qaar badan oo ka mid ah kiisaskan laga hortagi karo.

Dhakhaatiirta wadnaha oo ay wareysatay BBC-da ayaa sheegay in maareynta walaaca, hurdada wanaagsan, jimicsiga  iyo u fiirsashada calaamadaha wadne xanuunka ay yihiin tallaabooyinka looga hortagi karii in dhaawac uu soo gaaro wadnaha.

Dr. Roberta Saretta, oo ah madaxa Xarunta Wadnaha ee Isbitaalka Sírio-Libanês, ee magaalada São Paulo ee dalka Braziil ayaa sharraxaysa in mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maaraynta walaaca ay sabab u tahay xaqiiqda ah in aanay suurtagal ahayn in si dhab ah loo cabbiro ilaa xad inta uu saameynta ku yeelankrto wadnaha.

Khubarada caafimaadka wadnaha ayaa BBC-da u sheegay in ay jiraan shan arrimood oo qofka ka caawin kara inuu wanaagsanaado caafimaadka wadnihiisa.

1- Xakameynta Welwelka

“Ugu horreyntii, waa inaan kala saarnaa waxyaabaha aan wax ka qaban karno  iyo kuwa aynaan waxba ka qaban karin, kaddib waxaan diiradda saari karnaa waxa la beddeli karo,” ayuu yiri Agnaldo Piscopo, oo ah khabiirka ku takhasusay arrimaha wadnaha.

Dhakhtar

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sida laga soo xigtay dhakhtarka, waxaa jira siyaabo badan oo loo maareeyo walbahaarka, laga billaabo dhaqamada xasiiloonida iyo miyir-qabka.

Hadafka dhaqanakan laga leeyahay ayaa ah in qofka uu diiradda saaro xilliga markaas la joogo ee uusan ku mashquulin waxa horay loo soo dhaafay ama mustaqbalka.

“Waxaan haynaa caddayn ku saabsan in dadka ka fiirsada tallaabooyinkooda ay uu hoos u dhaco cadaadiska dhiiggooda iyo garaaca wadnaha, oo ay si fiican ula qabsadaan walaaca maalinlaha ah,” ayuu yidhi Poscop.

Dhaqtarka ayaa  sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la yareeyo Isticmaalka baraha bulashada iyo dhawaashada wararka.

Piscopo ayaa ka digay in laga fikiro xaaladaha aadka u daran.

2- Helista hurdo kugu filan

Xarunta Maraykanka ee Xakamaynta iyo ka-hortagga Cudurrada (CDC) ayaa shegetay in hurdo xumada habeenkii ay la xiriirto dhibaatooyinka ay ka mid yihiin dhiig karka, nooca 2-aad ee sonkorowga iyo cayilka – arrimahaas oo iyaguna si toos ah u saameeya wadnaha.

Haddii si kooban loo dhigo, hurdo xumadu waxa ay sidoo kale badisaa daalka iyo xanaaqa.

“Waxaad arki kartaa in haddii aadan nasanin saacadaha lagama maarmaanka aad mar walba dareemaysid daal badan iyo in aad noqoto qof mar walbo isku buqsan.” ayay tiri Saretta.

Guud ahaan, dadka waaweyn waxay u baahan yihiin ugu yaraan 7 saacadood oo hurdo ah maalintii. Taasi oo muhiim u ah abaabulka xusuusta, nasashada, iyo nidaaminta dheef-shiidka iyo nadiifinta kiimikaadka jirka.

3- Sameynta Jimicsiga

Jimicsi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sida hurdada oo kale, jimicsiga waxaa laga helaa waxyaabo badan oo faa’iido u ah nolosha.

Dhaqdhaqaaqa jireed ee joogtada ah waa mid ka mid ah dabeecadaha ugu muhiimsan ee lagu xakameynayo khataraha ku iman karo wadnaha, sida Dhiigkarka, sonkorowga, kolestaroolka sare iyo cayilka.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu ku talinayaa in dadka waaweyn ee da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 64 sano ay “sameeyaan 150 ilaa 300 oo daqiiqo jimicsi dhexdhexaad ah ama 75 ilaa 150 daqiiqo oo jimicsi xooggan ah” toddobaadkii.

Waxaa mudan in la xasuusto in jimicsiga dhaqdhaqaaqa jirka, sida orodka iyo wadista baaskiilka, ay yihiin kuwa ka shaqeeya muruqaha oo horseeda neefsashada oo korodha iyo ficnaanta  garaaca wadnaha.

Hay’addu waxay sidoo kale soo jeedisay in qofka uu qabto jimicsiyada la xiriira dhisidda murqaha, sida jimicsiyada lagu sameeyo qalabka jimicsiga.

4- Ka taxaddar buunbuuninta xaaladaha xun

Saretta waxa ay sheegtay in wakhtiyada xiisaddu ay aad u sarreyso, ay tahay arrin dabiici ah in aan xadka ka talaabno oo ay khaladaad badan dhacaan.

Arrintan oo lagu daray hurdo la’aanta iyo hab-nololeedka fadhi-ku-dirirka, waxay culays dheeraad ah saaraysaa wadnaha, taasi oo qofka u horseedi karta in uu wadnaha istaago.

“Xaaladdan oo kale, waxaa muhiim ah in la qiimeeyo xaaladda oo aan la gelin iska hor imaadyo aan loo baahnayn, maadaama ay jirto halis keeni karta dagaal afka ah iyo mid jireed,” ayay tiri Saretta.

5- Fiiro gar ah u yeelo calaamadaha wadna xanuunka keeni karo.

Wadnaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ugu dambayntii, aad bay muhiim u tahay in qof kasta uu garto calaamadaha caadiga ah ee wadno-qabadka ama faaligga oo uu yaqaanno waxa la sameeyo haddii uu dareemo isaga ama uu arko qof xaaladdan ku jira.

Tallaabooyinkan gargaarka degdegga ah ayaa macno ahaan ka dhigan farqiga u dhexeeya nolosha iyo dhimashada.

“Nasiib darro, 50% dadka uu wadne-xanuunku ku dhaco ma gaaraan astaamaha,” ayuu yiri Piscopo.

“Haddii uu kula soo gudboonaado wadne xanuun, waxaa caadi ah in aad xanuun ka dareento dhinaca bidix ee xabadka, kaas oo sii kala caddaanaya marka ay ku darsamaan dhididka qabow, lallabbo, dawakhaad iyo xanuun dheeraad ah”, ayuu yiri Socesp oo ah dhakhtarka wadnaha.

Haddii uu qofka kudhaco ama uu kusoosocdo faalig, calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah xanuun daran oo madaxa ah, curyaannimo wejiga ama qayb ka mid ah jirka iyo dhibaato xagga dhaqdhaqaaqa ah.

“Sidaas darteed haddii aad dareento in wax iska beddeleen caafimaadkaaga, sida inaadan awoodin inaad sameyso dhaqdhaqaaq caadi ah, dareento daal xad-dhaaf ah ama xanuun  dhanka laabta ah, waxaa habboon in aad la xiriirto dhakhtar,” ayey tiri Saretta.

BBC

Hadalsame Media