RW cusub ee UK oo durba loogu codeeyey inay is casisho (Tillaabo ay maaggan tahay oo ay xitaa ka digtey IMF)

0

(London) 02 Okt 2022 – In ka badan kala bar dadka reer UK ayaa doonaya in Ra’iisul Wasaare Liz Truss ay iscasiho, sida ku cad ra’yi ururin cusub oo Jimcihii lagu daabacday YouGov.

Marka la eego sahankan cusub, 51% dadka ka tirsan ayaa raba inay Truss shaqada ka tagto, halka afar meelood meel ka mid ah dadka ra’yi ururinta la sameeyay ka qaybgalay ay aaminsan yihiin in ay sii joogto taasoo ah 25%.

Warkani wuxuu imaanayaa iyadoo Truss iyo Wasiirka Maaliyadda ee Kwasi Kwarteng ay wajahayaan dib-u-dhac ku yimid qorshe kharash-bixineed oo cusub oo loogu talagalay in lagu kiciyo kobaca dhaqaalaha kaasoo gacan ka gaysta yareynta saamaynta qiimaha tamarta ee sare u kacaya, ugu yaraan muddo gaaban.

Qorshahan, oo ka kooban xirmooyin badan oo canshuur dhimis ah oo amaah taasoo gaaraysa £45bilyan oo gini, iyadoo tillaabadan oo ay xitaa ka qaylisay IMF oo aan dalalka waawayn la hadli jirin ay cubka gelisey geniga Isteliinka oo ka hoos maray Doollarka Maraykanka Isniintii.

Dhanka kale, dammaanadda suuqa ee Boqortooyada Midowday (UK) ayaa waxa ay la kulmeen iibintii hal maalin ee ugu waynayd taariikhda.

Deutsche Bank waxaa uu ku qiyaasay in qorshahani uu ku riixi doono saamiga UK marka la isu eego qaanta iyo GDP-ga dalkaasi ilaa 101%, taas oo noqon doonta heerkii ugu sarreeyey ee ay gaarto daynta qaranku tan iyo 1962-kii.

Liz oo goordhow hadlaysey ayaa qiratay in miisaaniyaddeeda oo ay warbaahintu ”musiibo” ku tilmaantay ay ku wacnaan lahayd in si ka wanaagsan loo qaabeeyo.

Hadalsame Media