Kaddib qarxintii Nord Stream dal bilaabay inuu diyaarado ku ilaaliyo riigaggiisa gaaska ee badda (Dalal gurmad u ballanqaaday)

0

(Hadalsame) 02 Okt 2022 – Waxaa dabayaaqadii bishii hore la weeraray dhuumaha Nord Stream 1 iyo 2 ee gaaska Ruushka Yurub usoo qaada, waxaana gadaal kasoo baxayey xogo sheegaya in laga yaabo inay taasi ka dhalatay weerar kharbudaad ah oo lala beegsaday ee aanay ahayn wax iska dhacay, sida uu bilowgii qoray wargayska Jarmalka Tagesspiegel, oo tixraacaya ilo rasmi ah oo DF Jarmanka ah.

Isniintii, ayaa dhowr meelood oo liigaya lagu arkay dhuumaha gaaska ee Nord Stream 1 iyo 2, kuwaas oo gaaska ka keena Ruushka una daabula Jarmanka, iyadoo uu gaas badani kusoo caariyey badda Baltic-ga, gaar ahaan meelaha u dhexeeya Bornholm iyo Karlskrona oo kala raacsan Denmark iyo Sweden. Ruushka ayaa laga baqayaa inuu isna qaado weerarro kharbudaad ah.

Haatan, dalka Norway oo ka mid ah dalalka hodonka ku ah gaaska, ayaa bilaabay inuu dayuuradaha casriga ah ee F-35A Lightning II uu ku ilaaliyo badda woqooyi oo ay ugu yaallaan riigag shidaal iyo wershado wax sifeeya kaddib dhacdadii dhuumaha Nord Stream, sida uu qorayo Politico.

Xulafada Norway ee NATO ayaa iyaguna gacan ka gaysan doona ilaalinta goobaha saliidda iyo gaaska ee dalkaasi ee ku yaalla badda, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Jonas Gahr Støre.

“Waxaan wadahadal kula jirnaa xulafadeenna si loo kordhiyo joogitaanka xeebaha ka baxsan Norway waxaana taageero ku yaboohay Germany, France iyo Britain,” ayuu yiri Støre oo shir jaraa’id qabtay, sida ay Reuters werisey. “Waa wax dabiici ah in xulafadeennu ay maraakiib dagaal noo soo diraan.” ayuu raaciyey.

Yeelkeede, Støre ma uusan faahfaahin inta ay le’eg tahay kaalmada ay waddamadu siin doonaan Norway, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hadalsame Media