Ukraine oo u dhibtoonaysa adeeg ay ka heli jirtey Ruushka & Tillaabo yaab leh oo ay doonayso inay uga maaranto

0

(Kyiv) 02 Okt 2022 – Ukraine ayaa waxaa laga yaabaa inay shidashada gaaska dabiiciga ah ay uga guurto qashinka iyo dhirta la shito si ay guryaha ugu kululayso horraanta sanadka soo socda, sida uu sheegay Maamulaha Guud ee Tamarta Gobolka Naftogaz, Yury Vitrenko, oo shir jaraa’id qabtay.

Sida laga soo xigtey sarkaalka, shirkaddu waxay ilaa 3 wershadood oo kuwa wax kululeeya islamarkaana dabka dhaliya ah ka dhisi kartaa Zhitomir kuwaasoo ku shaqayn doona qashinka adag ee magaalada laga soo ururiyo iyo jajabyada alwaaxda.

Vitrenko wuxuu sharraxay in dhismaha wershad noocan ah oo ku shaqayn doonta noocyadan shidaalka la cusboonaysiin karo ah uu hadda ka socdo dhismaha Zhitomir.

Sida laga soo xigtay sarkaalka, waa mid ka faa’iido badan adeegsiga Naftogaz kana rakhiisan gaaskii ay magaaladiisu soo iibsan lahayd, islamarkaana la joogtayn karo mustaqbalka, sida uu qabo inkastoo horay loo sheegay inaan mar dhow laga haqab beeli doonin farsamooyinka noocan oo kale ah.

Ukraine ayaa sida dalal kale oo Yurub ahba waxay ku tiirsanayd gaaska Ruushka oo marar badan si rakhiis ah ama amaah ah lagu siin jirey.

Hadalsame Media