”Hadda waa naloo fasaxay” – Dal qirtay inuu daroonno gaar ah u adeegsado KHAARAJINTA ashkhaas gaar ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 01 Okt 2022 – Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa ansixiyey u adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarrada lagu khaarijiyo madaxda Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed oo ay iyagu ku calaamadiyeen inay yihiin argagixiso, sida uu ku warramay wargayska Jerusalem Post.

Amarkan ayaa yimid kaddib weerar rabshado wata oo ay Israel qaaday 2 maalmood kahor, xilli ay sii kordhayso in askarta IDF ay robot-yo u adeegsadaan dhulalka ay haystaan ama ka taliyaan ee Falastiin.

Sida laga soo xigtey wargayska, taliyayaasha IDF ayaa waxaa loo ogolaan doonaa inay isticmaalaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee daroonnada “si ay u fuliyaan weerarrada khaarajinta ah haddii qof hubaysan loo aqoonsado inuu khatar ku yahay ciidamadooda.”

Saraakiisha sarsare ayaa ka wada hadlay isbeddelka caqiidada dagaalka ee cusub Arbacadii, warbixintuna waxay intaa ku dartay in Abaanduulka Guud ee Ciidamada Xoogga Israel, Jeneraal Aviv Kohavi, uu saxeexay amarkan.

Israa’iil ayaa waxay diyaaradda Elbit’s Hermes 450 u adeegsanayse inay dilal qorshaysan ka fuliso Gaza tan iyo 2008-kii. Diyaaradahan oo adeegga soo galay dabayaaqadii 1990-meeyadii, laakiin waxaa la qarinayey in si xisaab buuxda loo isticmaalay wayna adag tahay in wax laga ogaado, maadaama ay xogeheeda oo ay faafreebayeen millateriga Israa’iil kaasoo mamnuucay on their use until earlier this year. warbixinnada isticmaalkooda illaa horaantii sanadkan.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn weligood looma adeegsan weerar ka dhan ah Daanta Galbeed, ugu yaraan sida ay sheegeen IDF. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka lagu bedeley siyaasaddan ayaa yimid kaddib markii afar falastiiniyiin ah lagu diley 44 kalena lagu dhaawacay weerar lagu qaaday xero qaxooti oo ku taal Jeniin horraantii Arbacadii.

Si kastaba ha ahaatee, IDF waxa ay ka fikiraysey in khaarajin loo adeegsanayo dayaaradaha aan duuliyaha lahayn loo rukhseeyo ilaa bishii Maajo, markaasoo askari ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee Israa’iil lagu diley howlgal la mid ahaa midka ka dhacay Jeniin, sida uu sheegay wargayska Jerusalem Post.

Hadalsame Media