RASMI: MW Muuse Biixi oo muddo kororsi ku dhawaaqay (Golaha Guurtida oo laftiisu…)

0

(Hargaysa) 01 Okt 2022 – Golaha Guurtida ee Somaliland oo ah xubnihii ugu waqtiga dheeraa ee baarlaman fariista tan iyo Roomaankii ayaa maanta muddo kordhin horleh u sameeyey MW Muuse Biixi Cabdi, kaDdib kulan xasaasi ah oo ay ku yeesheen xarunta ay ku leeyihiin magaalada Hargaysa.

Golaha ayaa sheegay inay laba sanadood oo dheeri ah ugu dareen Madaxwaynaha iyo xukuumaddiisa, iyagoo sidaa ku sameeyey codayn loo fuliyey qaab gacan taag ah oo ka dhex dhacday xarunta Guurtidooda.

Waxaa dheer, in sidoo kale ay Golaha Guurtida Somaliland laftoodu wax kororsadeen oo ku darsadeen muddo xileedkooda ilaa 5 sano oo dheeri ah, taasoo raacaysa muddo kororsi xiriir ahaa oo uu samaysanayey tan iyo markii la dhisay.

Kulankan oo aad isha loogu hayey ayaa markii hore loo diiday saxaafadda waloow markii dambe loo fasaxay, waxaana laga war dhowrayaa fal-celina xisbiyada mucaaradka oo si wayn uga soo horjeedey muddo kororsigan, kaasoo ay xitaa dibad-baxyo dhiig ku daatay ka dhigeen.