Sirdoonka Ruushka oo carrabka ku dhuftay dalka ka faa’iidey burburinta dhuumaha Nord Stream (Taariikh hore oo ay daliishadeen)

0

(Hadalsame) 01 Okt 2022 – Dalka Ruushka ayaa toos farta ugu fiiqay dal uu sheegay inuu ka macaashay qarxinta dhuumaha Nord Stream 1 & 2 meel u dhow xeebaha Sweden iyo Denmark.

Wuxuu sheegay in Maraykanku uu yahay dalka dhaqaale ahaan ka faa’iidaystey weerarka lagu qaaday dhuumaha gaaska ee Nord Stream wuxuuna leeyahay diiwaan hore oo lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha tamarta, sida uu yiri Madaxa Golaha Ammaanka ee Ruushka.

“Laga soo bilaabo daqiiqadihii ugu horreeyey isla markii uu soo baxay warka qaraxyadu… reer Galbeedku waxay bilaabeen olole firfircoon oo ay raadinayaan qofka ay ku eedeeynayaan. Laakiin way iska caddahay in ka faa’iidaystaha koowaad, oo ugu horreeya xagga dhaqaalaha, uu yahay Mareykanka,” ayuu ku dooday Nikolay Patrushev.

Waxa uu is barbardhigay dhacdadii toddobaadkan iyo weerarkii lagu qaaday kaabayaasha saliidda ee Nicaragua ee Puerto Sandino 1983-kii. Waagaas saraakiisha CIA, oo fadhiya markab ku xirnaa biyaha caalamiga ah, ayaa waxay isku dubarideen duullaan ay qaadeen ciidamo kumaandoos ah oo ay u tababareen inay la dagaallamaan Dowladdii Sandinista, sidii ay warbaahinta Maraykanka xilligaa ku warrantay.

Sirdoonka Maraykanka ayaa sidoo kale bixiyey doomo dheereeya oo weerarka ku jirey, sida ay sheegtay ilo CIA-da lafteeda ka tirsan, kuwaasoo ay soo xigatey wakaaladda wararka ee AP.

Howlgalku wuxuu qayb ka ahaa waxa loo yaqaan “dagaal uskag ah” oo uu maamulkii Ronald Reagan ku qaaday Nicaragua, taas oo markii dambe keentay fadeexadii Iran-Contras.

Iibintii qarsoodiga ahayd ee ay CIA-du hubka u marisay Iran si ay ugu sii gudbiso xagjiriintii bidixda ahaa ee Latin America ayaa ugu dambayn la kashifay 1986-kii.

Hadalsame Media