Xulka Talyaaniga oo helay faa’iido u dhow tii uu ka heli lahaa Koobka Adduunka + Sawirro

0

(Hadalsame) 30 Sebt 2022 – Xulka sqaranka Talyaaniga ayaa hadda loo qalbi qaboojiyey waloow ay ku guuldareysteen inay u soo baxaan Koobka Adduunka ee Qadar kaddib markii ay u gudbeen final-ka Nations League.

Arrintan ayaa keentay in 6.5 milyan oo Yuuro ay soo gasho khasnadda xiriirka, taasoo gaari doonta in ka badan 10 milyan oo Yuuro haddii ay dhacdo inay ku guulaystaan NL.

Waa qaab lagu soo celinayo qayb ka mid ah 12 milyan oo Yuuro oo ay Talyaanigu waayeen kaddib markii uu ku guuldarraystay usoo bixista Koobka Adduunka.

Arrintan ayaa woxoogaa caymo dhaqaale u noqonaysa Xulka Azzurri oo markii 2aad ka haray KA2022.

Hadalsame Media