MW Somalia oo heshiis muhim ah la gaarey RW Itoobiya (Laba qodob oo aan gaar u calaamadinnay)

0

(Addis Ababa) 30 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasha rasmi ah ku tagay dalka Itoobiya ayaa wadahadal la yeeshay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Qodobada ay ku heshiiyeen Abiy Axmed iyo Xassan Sheekh

1. In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.

2. Waxay ku celiyeen go’aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaagaan, waxa ayna fareen hay’adaha amniga inay xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.

3. Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobollada Soomaaliya.

4. Dhanka kale Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya waxa ay si wadajir ah ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in uu tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo awoodda dowladda Soomaaliya.

5. Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, in la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka si taas loo hirgeliyana ay labada dal yeeshaan wada-tashiyo joogto ah, korna loo qaado danaha guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.

6. Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee gacanta ka geysta nabadda, xasilloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

7. Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, waxayna hoosta ka wada xariiqeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.

8. War Murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ay labada hoggaamiye ku heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Waxa ay xoojiyeen muhiimadda ay leedahay ballarininta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo siyaasadda.

10. Ugu dambaynna Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada labada dowladood in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.abada dhinac.

BBC

Hadalsame Media