“Naagtii la socotey ayuu mar qura garaacis ku bilaabay balse maxaa iga raacay markii aan dhex galay?!”

0

(Hadalsame) 30 Sebt 2022 – Wiil dhallinyaro ah oo aan saaxiibo nahay oo ku nool Jarmalka ayaa iiga sheekeeyay arrin hadda ka hor qabsatay taasoo runtii aan aad ugu qoslay wuxuu yiri:

“Habeen ayaa anigoo waqti dambe keligeey meel ku sugaya bas ayaa waxaa meeshii yimid nin iyo naag caddaana oo isla socda, way cabsanaayeen sidaan dareemayay, kaddibna way isku qayliyeen waxaana ninkii uu billaabay inuu gabadhii garaaco, si xun ayuuna u jir dilay, markaas ayaan is iri kala dhex galoo waxaan gabadhii ku iri Booliis ma kuugu wacaa?

Bal maxaa iga yeersiiyay saa ninkii ayaa aniga igu soo jeestay kaddibna Feer iyo Laad buu igu bilaabay, illaa markii dambe aan cirkaa isla galnay dhulkana iskula soo dhacnay, cid na kala celinaysa ma jirto oo waa saddexdayada oo qura.

Markaan in cabbaar ah is garaacaynay ayaa xoogaa kaddib Baskii soo iftiimay, kaddibna labadayadii waan kala fuqnay waxaana raacnay baskii.

Waan yaabay, Niyadda ayaana iska iri balaayo haddaad maqasho waa tanoo kale, war bal maxaa ku geliyay afaarahan? wixii maalintaa ka dambeeyay waxaan go’aan ku gaaray inaan cidna hadal ku darsan, waxna ma arag waxna ma maqal oo kale”.

Waxaan ka baranaynaa sheekadan in adduunyada kale ay ka duwan tahay Soomaaliya oo uusan qofku gelin bad aan loogu talo gelin, walaa dad ayaana la kala dhicin, walaa marqaati ayaan la noqon, cidna waxba laguma darsado.

W; Q: Yaxya Yuusuf

Hadalsame Media