XOG SIRDOON: Ruushka oo qorshaynaya tillaabo aargudasho ah oo ka dhan ah Galbeedka (Bartilmaameedyo la magac dhabay)

0

(Moscow) 29 Sebt 2022 – Hoggaamiyayaasha reer galbeedka ayaa ka baqaya in Vladimir Putin uu qorsheynayo inuu duullaanka Ruushka ee Ukraine uu u adeegsado hubka nukliyeerka ah amaba uu weerar ku qaado danaha Yurub.

Basaasiinta Britain iyo Maraykanka ayaa aaminsan inay jirto ‘xog sirdoon oo lagu kalsoonaan karo’ oo sheegaysa in Madaxwaynaha Ruushku uu diyaarinayo weerar bedeli doona xaaladda dadaalka si uu u guulaysto kaddib markii uu ogaadey in dagaalku gebi ahaanba ahaa ‘khalad wayn’.

Waxay tano kusoo beegantay iyadoo ay Safaaradda Maraykanka ee Moscow ay ku boorrinayso muwaadiniinteeda inay ka cararaan Ruushka iyadoo laga cabsi qabo in dadka labada dhalasho haysta ee asal Ruushka ah la qafaali karo oo loo qaadi karo dagaalka kaddib marka uu fasaqo jinsiyadda Maraykanka, sida ay qorayso The Mirror.

Safaaradda ayaa sidoo kale ka digtey in ka bixista Ruushku ay noqotay mid aad u adag iyadoo duullimaadyadu ay buuxsameen islamarkaana ay ciidamada Putin xireen xuduudaha.

Dhanka kale, waxaa jira walaac laga qabo in Putin uu qorshaynayo weerar nukliyeer ah oo uu ku qaadayo gobollada ku yaal galbeedka gobollada Ukraine kaas oo abuuri doona aag leh butaaca shucaaca kaah-falka taasoo joojinaysa weerarrada rogaal-celiska ah ee Ukraine ee ilaa hadda guulaysanayey.

Cabsida kale ayaa ah in Ruushku uu diyaarinayo duwayn uu u gaysto danaha reer Galbeedka sida xarkaha isgaarsiinta ee mara gunta badda, gaar ahaan kuwa u dhexeeya UK iyo Maraykanka, kuwaas oo badankoodu yihiin kuwa Yurub ku xira Maraykanka.

Waxyeellaynta fiilooyinka isgaarsiinta internet-ku waxay noqon kartaa ‘mid aad u dhaawacaysa’ suuqyada maaliyadeed ee adduunka.

Hadalsame Media