DIGNIIN: 5 arrimood oo ay muhim tahay in la sameeyo si uu u miro dhalo halganka “Macawisleey”

0

(Hadalsame) 29 Sebt 2022 – Waxaa koonfurta Somalia ka soconaya dagaal heer degaan kasoo bilaabmay oo lagula jiro kooxda Al Shabaab oo dhaqamo badan oo arxan darro ah oo aan meelna ka khusayn diinta Islaamka kula macaamishay dadwaynaha.

Dagaalka oo ay bilaabeen ciidamo shacab ah oo ”Macawisleey” la yiraahdo waxaa agaasimaysa DF Somalia oo ay sidoo kale ciidamadeedu ka qaybqaadanayaan iyagoo sidoo kale saad iyo rasaas siinaya Macawisleeyda.

Si yoolka la higsanayo loo gaaro waa in laga fikiro afartan qodob ee soo socda:

1 – Waa in ay DF Somalia qorshe cad u dejisaa waxa laga yeelayo ciidamada hubaysan ee Macawisleeyda si aysan hadhoow u noqon ciidan rigli ahna lagu kala daro ciidamada qofkii aan doonayna qorigiisa laga iibsado lana fasaxo.

2 – Meelaha la xoreeyo waa in laga dhiso nidaamyo la isku hallayn karo oo dadka dareensiin kara inay yihiin dookh ka fiican nidaamkii meesha laga kiciyey.

3 – Sidoo kale waa in la kala nidaamiyaa sida ay beelaha & DF isula shaqayn karaan iyo sidoo kale beelaha dhexdooda iyadoo la abuurayo jawi kalsooni iyo aaminaad lagu dhalinayo.

 4 – Waa in ”Igu Sawirta” iyo qabyaaladaynta laga daayaa dagaalka, waayo labaduba waxay dilayaan yoolka guud iyo shucuurta dagaalka, waxaa sidoo kale gaagaxaya shucuurta kacsan ee dadka oo la doonayo in hadda laga faa’iidaysto.

5 – Xildhibaannada waa in laga hor istaagaa inay tagaan furimaha dagaalka, waayo taasi marka laga soo tago igu sawirta iyo danaha siyaasadeed, jeedinta askarta iyo qaboojinta dagaalka waxay sidoo kale keeni kartaa mucaaradad oo hardan hoose waayo xildhibaan kasta waxaa jira mid diiddan oo reerkiisa ah lagana yaabo inuu isna meesha joogo. Sidoo kale, xildhibaannadu ma aha taliyeyaal ciidan sidaa darteed, tegitaankooda goobtu waxay niyad jebin kartaa askarta.

Hadalsame Media