CAR & WIR: Maraykanka & Ruushka oo isku haysta dal ku yaalla Bariga Afrika (Daawo warbixin xasaasi ah)

0

(Hadalsame) 29 Sebt 2022 – Toddobaadyo gudahood markii uu yimid, Safiirkii ugu horreeyey ee Maraykan ah muddo 25 sano ah ayaa horraanba Suudaan ugu hanjabay “cawaaqib ka dhalanaysa” haddii Khartuum ay sii waddo heshiiska ay Ruushka ku siinayso saldhig Ciidamada Badda Ruushku ku yeeshaan Badda Cas.

“Dhammaan dalalku waxay xaq u leeyihiin inay go’aan ka gaaraan dalalka kale ee ay la shuraakoobayaan, laakiin doorashooyinku waxay leeyihiin cawaaqib, dabcan,” ayuu ku gooddiyey Danjire John Godfrey oo u warramay wargayska maalinlaha ah ee Sudan Al-Tayar Talaadadii.

Xukuumadda Khartuum ayaa sannadkii 2017-kii heshiis la saxiixatay Ruushka in la dhiso xarun ciidan oo laga taagayo Port Sudan, oo ku taal Badda Cas. Port Sudan waxa ay maamushaa 90% ganacsiga badda kasoo gala dalka Suudaan, waxay Ruushka u ogolaanaysaa in uu isha ku hayo marinka muhimka ah ee Bab el-Mandeb ee u dhow.

Balse Madaxwayne Cumar Al-Bashiir oo tillaabadan qaaday ayaa xilkii laga tuuray oo xabsiga la dhigay kaddib markii uu 30 gu’ guddoominayey talada dalkaasi.

Sida ku cad heshiiska, Ruushku wuxuu dhisi doonaa saldhig awood u leh inuu martigeliyo maraakiibta leh tamarta nukliyeerka wuxuuna dekedda kiraysanayaa muddo 25 sano ah, iyada oo si toos ah 10 sano loogu kordhin doono haddii ay labada dhinac isku raacaan.

Halkan hoose ka dhegeyso warbixin faahfaahsan oo ku saabsan….

Hadalsame Media