Dal doonaya inuu DF Somalia mariyo jidka Dowladdii Afghanistan oo laga digey & Qorshaha uu wado

0

(Hadalsame) 29 Sebt 2022 – Madaxwaynihii hore ee Maamul-goboleedka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa qoraal ka sameeyey arrin uu kaga digayo qorshe uu tilmaamay inay waddo Dowladda yar balse hodonka ah ee Qadar, kaas oo ‘lagu xagal daacinayo’ howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Cali Cosoble ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Qadar ay haatan waddo cadaadis xooggan oo ku aadan sidii looga hortegi lahaa kacdoonka ka dhanka ah Al Shabaab, iyadoo adeegsanaysa ama ku gabbanaysa in wadahadal lala furo kooxda Al-Shabaab, taasoo aan daacad ka ahayn ay waqti ku gadanayso, sida uu siyaasigu ku sheegay warbixintiisa.

Cali Cosoble ayaa intaa raaciyey in Dooxa ay adeegsanayso qaar ka mid ah maamullada dalka iyo siyaasiyiinta Soomaalida, si cadaadis loo saaro MW Xasan Sheekh, si uu uga laabto dagaalka uu ku dhawaaqay ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoo taa ku misaalay wax uu ku sheegay ”ruwaayaddii Afghanistan” oo uu tilmaamay inay isla Qadar Dowladdii dalkaasi wada hadal ku madadaalisey ilaa ay Daalibaan dalka wada qabsatay.

War i soo gaaray ayaa sheegaya iney dowladdii Qatar aheyd ay beerlaxawsi la dhex wareegeyso qaar ka mid ah maamullada iyo siyaasiyiinta Soomaalida ayadoo dooneysa in la joojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab oo wada hadal lala galo.

Xaqiiqda waxey tahay Qatar wexey dooneysaa iney lacag ku bixiso sidii cadaadis loo saari lahaa Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud si uu u oggolaado inuu wada hadal la furo argagixisada.

Sidaasoo ay tahay haddana Qatar daacad kama aha heshiiska ee wexey rabtaa iney Al Shabab sidey u dhan yihiin ka soo mid noqdaan maamulka dowliga ah iyo ciidamada kadibna ay la wareegaan talada dalka.

Qatar ma wexey la tahay in la moog yahay dibindaabyadii ay ku sameysay dowladdii rayidka aheyd ee Afganistan ee ay shirarka riwaayadeynta ah u qaban jirtay ayadoo isla markaana hub, saanad iyo dhaqaale ku bixisa sidey Daliban u qabsan lahaayeen Afganistan?

Qatar ma waxey is leedahay Soomaali waa Afrikaan aan garasho fog laheyn oo aan odorosi karin dibin daabyadii ay Soomaali ku heysay muddada ka badan labaatameeyada sano? Iyo weliba waa dad sabool ah oo ay baahi kaga caddahay wixii ka doonana laga sameysan karo?

Qatar ma waxey moog tahay iney dunida sidii hore isaga dhaw dahay Soomaalidana tahay dad la socda dunida casriga ah loona shidi karin filim dunida hore looga daawaday?

Qatar waad soo lug go’day.

Hadalsame Media