Ruushka oo ay kusoo baxday arrin tuhun cusub dhalisay (Xog dheeraad oo kasoo baxday dhuumaha Nord Stream)

0

(Hadalsame) 29 Sebt 2022 – Maraakiibta iyo gujisyada quusa ee Ruushka ayaa lagu arkay meel aan ka fogeyn dhuumaha Nord Stream kahor inta aan lagu qarxin fal kharbudaad lagu tuhunsan yahay oo Moscow haatan dhankeeda loo jeedinayo.

Saraakiisha ammaanka Yurub ayaa sheegay in Isniintii iyo Talaadadii ay arkeen maraakiibta taageerada ee Ciidanka Badda Ruushka gaar ahaan agagaarka meel ay afar meelood haatan ka liigayaan dhuumaha gaaska ee Nord Stream.

Maraakiibta quusta ee Ruushka ayaa sidoo kale lagu arkay meel aan ka fogayn aagga Badda Baltic-ga todobaadkii hore, sida uu sheegay hilinka CNN.

Saraakiisha ammaanka Yurub ayaa sheegay in ilaa hadda aysan caddayn in mid ka mid ah arrintan ay ku lug lahaayeen, balse waxay sheegeen suurtagalnimada in la baarayo iyadoo muuqaallada la arkay ay shaki dheeraad ah ku kordhinayaan in Ruushku uu ka dambeeyey weerarradaas.

Dhanka kale, dalool labaad ayaa laga helay tubada Nord Stream maanta, taasoo u dhow god wayn oo horay looga helay Nord Stream 1 dhowr maalmood kahor.

Waxay arrintani la micne tahay in hadda ay dhuun kasta leedahay laba god, kuwaas oo laba ka mid ah ay ku yaallaan biyaha Sweden iyo laba kale oo ku yaalla biyaha Denmark, sida ay mar dhow sheegeen Ilaalada xeebaha Sweden.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sii wada inay baaraan xarkaha gaaska iyagoo howsha ka wada aagga ka hooseeya mowjadaha sare si ay iskugu dayaan inay joojiyaan in kumanaan tan oo gaas ihi uu ku butaaco Badda Baltic-ga iyagoo sidoo kale ka shaqeeynaya waxa dhab ahaantii dhacay.

Yeelkeede, waxaa la hubaa in taasi aysan dhici karin usbuuca soo socda kahor. Helitaanka jawaabaha arrintanina waxay qaadan doontaa waqti taas kasii dheer.

Hadalsame Media