Yaa qarxiyey dhuumaha Ruushka? Dal ay fartu si dadban ugu godan tahay (Daawo muuqaalkan qirashada ah)

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2022 – Waxaa la qarxiyey dhuumaha Ruushka ee Nord Stream, balse weli ma jirto cid farta lagu fiiqay, balse Maraykanka ayay si ishu u qabanaysaa.

Midda hore, dhismaha Nord Stream 1 ayaa waxaa la dhameeyey 2011-kii. Halka shaqada dhismaha Nord Stream 2 (NS2) ay bilaabatay 2018-kii, waxaase soo gaarey dib u dhacyo cadaadis siyaasadeed iyo cunaqabatayn uga timid Maraykanka dartood.

NS2 waa deeto in gaaska lagu cadaadiyo la dhameeyey Sebtembar 2021-kii, balse weli wax shaqo ah oo rasmi ah ma bilaabin kaddib markii ay DF Jarmanku uga dhaaratay shahaadadii ay ku howlgeli lahayd maadaama ay dalkaa gaaska gayn lahayd.

MW BIDEN ayaa waxaa uu muuqaalkan si dadban ugu qiratay in Maraykanku uu ka danbeeyo burburinta Nordstream 1 iyo 2, laakiin warkani ma aha mid uu hadda yiri.

Biden oo hadlayey kahor bilowgii dagaalka Ukraine ayaa ku gooddiyey: “Haddii Ruushku soo galo Ukraine…kaddib ma jiri doono Nord Stream 2.”

Weriye: “Laakin sideed ku yeeli doontaa taas, waayo dhuumahan waxaa gacanta ku haya Jarmanka?” Biden: “Waan kuu ballanqaadayaa, waan awoodnaa inaan taas samayno.”

Hadalsame Media