”Xitaa ima soo wici kartid” – Gabadhii reer Ukraine ee ninka naagta ka qaadday oo uu ninkii cayriyey (Daawo)

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2022 – Tony Garnett ayaa cayriyey islamarkaana booliiska u gacan geliyey Sofiia Karkadym oo ahayd gabar qaxooti reer Ukraine ah oo uu uga soo dal-doorsaday xaaskiisii ay 10ka sano wada joogeen ee Lorna Garnett, 28-jir, sida uu qoray Daily Mail.

Tony ayaa gabadha reer Ukraine ku eedeeyey inay tahay cabtooy daran islamarkaana ay isku dhereriso 2 gabdhood oo ay u dhashay xaaskiisii uu cidlada kaga dhaqaaqay.

Waxa uu ka sheekeeyay sida ay arintu madaxa iskula gashay habeenimadii Sabtidii kaddib markii, sida uu ku eedeeyey Sofiia ay dhowr jeer iyada oo u falax-goodinaysa ay mindi ku dhufatay derbiga guri ay kiraysteen kaddib markii ay sakhraantay xili uu u dabbaal degayay dhalashadiisa 30-aad.

Gabadhan ayaa ninkan la degtey isaga iyo lammaantiisii hore ee Lorna Garnett, oo wada deganaa Bradford bishii Maajo kaddib markii ay ka carartay gurigeeda oo ku yaal magaalada Lviv ee dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee Ukraine waxayna u soo bandhigeen inay iyaga la noolaato.

Halkan hoose ka dhegeyso warbixin uu ka diyaariyey Maxamed Xaaji

Hadalsame Media