Ruushka oo markii ugu horreeysey farta ku godey dalka uu aaminsan yahay inuu qarxiyey dhuumaha Nord Stream

0

(Moscow) 28 Sebt 2022 – Afhayeenka WaD Ruushka ee Maria Zakharova ayaaEU usoo jeedisey inay Maraykanka ula dhaqmaan ama u calaameeyaan inuu yahay dalka ka dambeeya “weerarka kharbudaadda ah” ee lagu qaaday dhuumihiisa

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa sidoo kale waydiisey cidda Midowga Yurub uu doonayo inuu u ciqaabo “jawaabta ugu adag ee suurtagalka ah” ee waxyeellada soo gaartey dhuumaha gaaska ee Nord Stream.

Diblamaasiyaddu waxa ay sheegtay in wasiirkii hore ee Arrimaha Dibrdda Poland uu mar horeba Maraykanka u aqoonsaday in uu yahay midka ka dambeeya kharbudaadda muuqata.

Radoslaw Sikorski waxa uu si fiican ugu xiran yahay dadka caanka iyo kuwa horseedka ah ee Washington isaga oo la shaqaynayey dhowr hay’adood oo kuwa fikirka ah oo kala duwan.

Labada dhuumood ee Nord Stream ayaa si xun u waxyeelloobey todobaadkan taas oo looga shakisan yahay in uu ahaa weerar ula kac ah, iyagoo haatan liigaya oo gaas badda Baaltigga ku butaacinaya.

MW Komishanka Yurub ee Ursula von der Leyen ayaa arrintan ku tilmaantay “kharbudaad iyadoo ka digtey in “fal kasta oo noocan ah oo lagu khushmaanayo kaabayaasha tamareed ee Yurub aan la aqbali karin lagana bixin jawaabta ugu adag ee suurtagalka ah.”

Goor dhow ayay Zakharova su’aal ka keentay cidda ay EU-du u digayso.

“Ma garanayo. MEP Sikorski waxaa uu Maraykanka uga mahadceliyey waxa dhacay, haddaba yay Ursula u ‘hanjabaysaa’ meeshaas?” Ayay baraha bulshada kusoo qortay.

Zakharova waxay tixraacaysey fal-celinta dhacdada uu sameeyay Sikorski, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Midowga Yurub, kaas oo soo dhigay sawirka goobta ay qaraxyadu ka dhaceen Twitter-kiisa kuna qoray ereyada: “Mahadsanid, Maraykan.”

Ma garanayo. MEP Sikorski ayaa uga mahadceliyey Mareykanka waxa dhacay, haddaba yuu Ursula ku ‘hanjabay’ meeshaas?” Baraha bulshada ayay ku soo qortay iyadoo isy jeedinaysa Maraykanka iyo EU.

Afhayeenka Aqalka Cad oo haatan shir jaraa’id qabanaya ayaa isna ku faanay in Maraykanku uu haatan noqday dalka gaaska ugu badan ee dabiiciga ah ee LNG u dhoofiya Yurub.

Zakharova waxay tixraacaysay falcelinta dhacdada uu sameeyay Sikorski, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Midowga Yurub, kaas oo soo dhigay sawirka goobta ay qaraxyadu ka dhaceen Twitter-ka ereyada: “Mahadsanid, USA.”

Ruushka ayaa sheegay inuu arrintan la tiigsanayo Golaha Ammaanka ee QM.

Hadalsame Media