Maxay ahayd darajada uu Muslimiinta kale oo dhan dheeraa Sheekh Qardaawi?! (Mid la isla qiray)

0

(Hadalsame) 27 Sebt 2022 – Sheekh Yuusuf Qardaawi, Alle ha u naxariisto. Derejooyinka aqoonta diinta ee la gaadho, waxaa ka mid ah “MUJTAHID” oo ah caalimka soo dhirandhirrin kara, xukunka ay leedahay qaddiyad cusubi.

Sheekha Murutaaniga ah ee Maxamed Al-Xasan Walad Ad-dadow oo ah bad aqooneed oo bilaa gooddi ah, ayaa la waydiiyey su’aal sidan ahayd: “Casrigan ma jiraa qof caalim ah oo gaadhay derejada mujtahid? “Haa, wuu jiraa” ayuu ku jawaabay.

“Yaad xusi kartaa ama tilmaami kartaa” ayaa la waydiiyey. “Sheekh Yuusuf Qardaawi” ayuu ku jawaabay. Waan la qabaa Sheekh Ad-dadow fikirkaas.

Sheekh Yuusuf Qardaawi wuxuu ahaa caalim geesi ah. Waagii aan yaraa; nalaguma dhiirrigelin jirin in aannu kutubtiisa akhrino.

Haddana waan akhriyi jiray, aniga oo taxadiraya. Markii aan waynaaday ayaan aqoonsaday, in uu qarnigiisa ka soo hormaray.

W; Q: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media