XOG: Dhuumaha Ruushka ee gaaska u qaada Ruushka oo la weeraray (Halis saamayn karta Sweden & Denmark)

0

(Hadalsame) 27 Sebt 2022 – Meelo ay ka liigayaan dhuumaha Nord Stream 1 iyo 2 ee gaaska Ruushka Yurub usoo qaada ayaa Isniintii la arkay, balse haatan waxaa soo baxaysa xog sheegaysa in laga yaabo inay taasi ka dhalatay weerar kharbudaad ah oo lala beegsaday ee aanay ahayn wax iska dhacay, sida uu qorayo wargayska Jarmalka Tagesspiegel, oo tixraacaya ilo rasmi ah oo DF Jarmanka ah.

Isniintii, ayaa dhowr meelood oo liigaya lagu arkay dhuumaha gaaska ee Nord Stream 1 iyo 2, kuwaas oo gaaska ka keena Ruushka una daabula Jarmanka, iyadoo kaddib markii uu gaasku kusoo caariyey badda Baltic-ga, digniino badan laga soo saaray maraakiibta mushaaxaysa meelaha u dhexeeya Bornholm iyo Karlskrona.

XOG: Waxay noqon kartaa weerar

Waxaa la sheegayaa in “cadaadis deg deg ah oo hoose uu dhacay”. Laakin sida laga soo xigtey wargayska maalinlaha ah ee Jarmalka ee Tagesspiegel, waxaa la baarayaa in liigiddan ay sababeen weerarro lala beegsaday dhuumaha oo loo adeegsadey GUJIS ama ay fuliyeen dad badda quusay.

Ilaa hadda lama garanayo inta uu le’eg yahay xaddiga liiggu, laakiin dhuunta Nord Stream 2 oo keliya ayaa qaadda gaas gaaraya 177 milyan oo mitir oo 3 jibbaaran oo gaas ah, sida uu sheegay Tagesspiegel.

Waxaa la filayaa inay arrintani sidoo kale saamayso degaanka Bornholm ee Danmark, laakiin waxay sidoo kale yeelan kartaa saamayn kasii wayn, sababtoo ah gaaska Methane ee ku sii qulqulaya hawada sare ayaa wax badan u dhimi kara cimilada.

Sida laga soo xigtey digniinta socdaalka ee maamulka badaha, dhammaan maraakiibta socotada ihi waa inayan usoo dhaafin meel 5 mayl-badeed ah meelaha uu gaasku ka liigayo.

Digniintu waxay soconaysaa ilaa amar dambe. Waxaa durba Yurub cirka isku sii shareeray sicirka gaaska oo awalba sarreeyey, waloow aysan dhuumahani Yurub gaaska siinnin hadda, marka laga soo tago Jarmanka.

Hadalsame Media