“Ma jiraan wax aynaan ku fikirayn” – Ruushka oo si kulul uga hadlay “weerarka” dhuumaha Nord Stream

0

(Moscow) 27 Sebt 2022 – Tubooyinka Nord Stream ayaa waxaa laga yaabaa inay ku waxyeelloobeen ficil kharribaad ah, sida uu sheegay afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov markii la weydiiyey sababaha suurtagalka ah ee keenay cadaadiska sida lama filaanka ah hoos ugu dhacay ee seddex ka mid ah khadadka gaaska ee badda Baltic Sea.

Isagoo la hadlayey saxafiyiinta goor dhow, Peskov wuxuu ka faallooday war kasoo baxay Nord Stream AG, oo ah howlwadeenka shabakadda dhuumahan, kaasoo lagu sheegay in seddex ka mid ah khad-xeebeedka nidaamka dhuumaha Nord Stream uu soo gaarey burbur “aan horay loo arag” hal maalin gudeheed.

“Ma jiro wax hadda meesha laga saari karo,” ayuu Peskov yiri markii la weydiiyey inay waxyeelladu noqon karto fal kharbudaad ah.

Waxa uu intaa ku daray in Moscow ay aad uga walaacsan tahay xaaladda gebi ahaanba, waxaaa uu ku baaqay in baaritaan deg deg ah oo qotodheer lagu sameeyo dhacdadan, taas oo saamayn ku leh amniga tamarta ee “qaaradda Yurub oo dhan.”

Cadaadiska khadka A ee dhuumaha Nord Stream 2, kaas oo lagu cabbeeyey gaas laakiin aan wali shaqayn, ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacay habeennimadii Axaddii iyo Isniintii.

Wax yar kaddib, galabnimadii Isniintii shalay, ayaa misna labada tuubbo ee Nord Stream 1 ay sidoo kale la kulmeen hoos u dhac xooggan oo dhanka cadaadiska ah oo mar qura ah.

Sida laga soo xigtey wargayska maalinlaha ah ee Jarmalka ee Tagesspiegel, waxaa la baarayaa in liigiddan ay sababeen weerarro lala beegsaday dhuumaha oo loo adeegsadey GUJIS ama ay fuliyeen dad badda quusay.

Hadalsame Media