Xog kasoo korortay daroonnada ka qaybqaadanaya gulufka lagu qaaday Shabaabka

0

(Muqdisho) 25 Sebt 2022 – Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa la sheegay inay ku biireen duullaanka ka dhan ka ah Al Shabaab ee ka soconaya koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegey wasiirka Arrimaha Gudaha DF Somalia ee Axmed Macallin Fiqi.

Lama sharrixin qaabka ay diyaadaha Turkigu uga qaybqaadanayaan dagaalka, balse waxaa loo badinayaa inay yihiin daroonnada is wada ee Turkiga.

Balse waxaan horay loo hubin inay daroonnadaa ku holwgelayaan ciidamada DF Somalia ee qalabka sida iyo inay hagayaan isla Turkigu.

Waxaa su’aadshaa ka jawaabey farriin sawir wadata oo uu soo wadaagey Cali Yare oo ka mid ahaa raggii ku jirey xayndaabka hoose ee xukuumaddii hore ee Farmaajo.

“Diyaaradda Dronez-ka ka Bayraktar TB2 oo ay Dowladda Turkigu na siisay Sannadkii 2020 ayaa hor socota Ciidanka Xoogga dalka iyo kan Kan Degaanka.” Ayuu soo qoray Cali Yare.

Arrintan ayaa si duruufi ah u xaqiinaysa in Ciidanka Cirka Somalia ay daroonnada iyagu haystaan.

Hadalsame Media