SIR LA DAADIYEY: Arrin ay tahay inay Soomaalidu iska jirto. Maxay tahay halista aadan ogayn ee ka dhex socota internet-ka? (Daawo)

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2022 – Laamo badan oo ka mid ah millateriga Maraykanka ayaa iibsaday qaab ay galaangal kula yeelanayaan hannaanka xog-kaydinta internet-ka ee “petabytes” ee haya xogta tooska ah ee muwaadiniinta Maraykanka iyagoo adeegsanaya aalad la yiraahdo Augury, taasoo siineysa wadiiqo ay ku helaan wax walba oo xog ah, sida uu kashifay Senator Ron Wyden (D-Oregon) oo warqad gaarsiiyey Xafiiska Kormeeraha Guud (OIG) ee Maraykanka.

Xog xadistan muhimka ah ee lagu eedeeyey millateriga waxaa ka mid ah isgaarsiinta iimaylka gaarka ah ee qofka, taariikhaha uu qofku internet-ka galo, iyo macluumaadyo kale oo la xiriira dabeecadda qofka iwm, oo lala soconayo amar maxkamad ama barwo la’aan,

Senatarka ayaa waydiistey OIG inuu baaro Waaxda Amniga Gudaha ee Department of Homeland Security iyo iibsiga Waaxda Caddaaladda ee isticmaalka wixii diiwaannada noocan oo kale ah.

Baaritaanka uu Wyden iskii u sameeyey ee uu kasoo koobiyey “sir qarxiyaha”, marka sheegashadiisa la eego ayaa u muuqdey in uu daaha ka qaaday in Taliska Maraykanka ee Internet-ka ee US Cyber Command, Ciidanka Lugta ee US Army, FBI, iyo Adeegga Sirta Qaranka ee USSS ay sidoo kale iibsadeen xogta shirkadda aanu soo xusnay.

Halkan ka DAAWO warbixin qoto dheer oo uu ka diyaariyey Maxamed Xaaji.

Halkan ka daawo…

Hadalsame Media