Degaanno aan awal lug lagu geli kari jirin oo la gaarsiiyey gargaarkii u horreeyey + Sawirro

0

(Muqdisho) 25 Sebt 2022 – Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gurmad degdeg ah u dirtay ku dhawaad 1,400 oo qoys oo ku dhibaataysan degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Agaasimaha Hay’adda Mudane Cabdirashiid Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gurmadkan degdeg ah markii ugu horreysay la mariyey dhulka, taas oo ay suurta gelisay deegannada la xoreeyey ee marinka u ah gurmadku in uu gaaro deegaannadaas.

“Waxaan gurmad degdeg ah u dirnay qoysas ku dhibaataysan degmooyinka Raage-ceele iyo Cadayle ee Gobolka Shabeellada Dhexe, taas oo aan gaarsiinayno deegaannada fogfog ee ay ku dhibaateysan yihiin dadkeennu”Ayuu yiri Agaasime Cabdirashiid.

Gurmadkan deg degga ah ee la gaarsiiyey degaannada Cadayle iyo Raage Ceelle ayaa isugu jirta qaybaha raashinka ee muhiimka u ah qoysaskan ku dhibaataysan xaaladaha ka dhashay Abaaraha.

Waxayna Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA) ay xoogga saaraysaa sidii loo dardar gelin lahaa samata bixinta dadkeenna Soomaaliyeed ee ay la daristay xaaladda adag.

Hadalsame Media