DF Somalia oo ku dhawaaqday qorshe lagu wajahayo ciddii la shaqaysa kooxda Al Shabaab

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2022 – Hay’adda Nabad Sugidda DF Somalia ee NISA ayaa sheegtay inay qabatay dad ay tilmaantay “inay la macaamilayeen” Al Shabaab.

Waxaa kale oo ay ku dhawaaqday tillaabo laga qaadi doono ciddii mar dambe si uun ula shaqeeya ama ula shaqaysta kooxdan.

 

“Waxaa la qabqabtay ku dhowaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayey Argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NISA.

“Hadda kaddib waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.” ayay raaciyeen.

Tillaabadan ayaa kusoo beegmaysa jeer uu dalka ka socdo dagaal heer degaan ku bilowday balse ay DF hoggaaminayso oo ka dhan ah Shabaabka.

Hadalsame Media