War lama filaan ah oo kasoo kordhay haweenaydii gabadha silcisay & Tacaddi lafteeda lagula kacayo

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2022 – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shalay gacanta kusoo dhigay haweeney lagu magacabo Shukri Cabdullahi Xaashi oo ahayd haweenay dishay islamarkaana silcisay gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay 9 sano jir.

Haweenaydan oo ku nool Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa arrinkeeda kasoo korortay xog cusub.

Shukri ayaa la sheegay in ay gabadha saqiirta ah ay eeddo u ahayd oo uu dhalay ninka iyada qaba, waxaana sababta ay ugu fadhiisatay lagu sheegay biyo ay qasatay oo cabitaan ah oo ay ka daadisay mar ay hollinaysey inay cabto.

Waxaa la is waydiinayaa sababta ninka dhalay gabadha 9-jirka ihi uu iyada uga tegey kaddib markii uu furay Shukri oo ah haweenayda tacaddiga haysatey.

Haweeneyda dhibaalka gaysatey ayaa sidoo kale la sheegay inay gabadha tacaddiyo hore u gaysatey maadaama ay korkeeda ka muuqdaan jaraaxooyin hore.

Si kastaba, Booliiska oo aan lahayn hab-dhaqan madani ah islamarkaana aan la ogayn xeerka ay waafajinayaan haweenaydan ayaa khalad ku sameeyey inay saxaafadda usoo bandhigaan haweenayda.

Eedaysanaha ayaa u baahan in iyada oo aan qofnimadeeda lagu xadgudbin maxkamad la saaro wixii dembi ah oo ku cadaadana lagu xukumo si looga mago wixii ay fashay iyadoo khaasnimadeeda la ilaalinayo maadaama ay lafteedu tahay qof dumar ah.

Hadalsame Media