”Waxaan Ukraine ka qaadaynaa tillaabo ku habboon” – Iran oo furka xoortay kana xumaatay tillaabadii lagu eryey danjirohooda

0

(Tehran) 25 Sebt 2022 – Iran ayaa sheegtay inay “ka aad uga xun tahay” go’aanka Ukraine ay ku cayrisey ergayga dalkaasi waxayna ballanqaadday inay ka bixin doontaa “jawaabta ku habboon,” sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran, Nasser Kanani.

Kiev ayaa ku eedaysay Tehran inay Ruushka siisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyada oo tillaabadaa ku tilmaantay “ficil aan saaxiibtinimo ahayn oo dhaawac wayn u gaystey xiriirka Ukraine iyo Iran.”

Tehran ayaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhexeeya Moscow iyo Kiev, sida uu Kanani ku dooday, isagoo intaa ku daray inay rajaynayaan “xal nabadeed” oo laga gaaro colaadda socota.

Iran waxay kaloo sheegtay in go’aanka Kiev lagu sameeyey saamaynta “dacaayadda” warbaahinta shisheeye iyo “warbixinno aan la xaqiijin.”

Ukraine ayaa Jimcihii Danjiraha Iran kala laabatay aqoonsiga safiirnimo ee Kiev, iyada oo ballanqaadday in ay “si wayn u dhimi doonto” tirada shaqaalaha diblomaasiyadeed ee Iran ee Safaaradda dalkaasi.

Sida laga soo xigtey sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshada, ciidamada Ruushka ee ka howlgala Ukraine ayaa la sheegay inay isticmaalayeen diyaarado ah nooca aan duuliyaha lahayn ee kamikaze-ga oo ay ku calaamadsan tahay Geran-2 (Geranium), taasoo u eeg diyaaradda Shaheed-136 oo ay Iiraan samaysay.

Muuqaal aan la xaqiijin oo laga soo duubay magaalada Odessa Jimcihii ayaa muujinayey Ciidamada Ukraine oo biyaha kasoo saaraya nooc kale oo ah nooca aan duuliyaha lahayn dhanka Badda Madow.

Diyaaradaa aan duuliyaha lahayn ayaa lagu soo warramayaa inay u egtahay nooca wax lagu basaaso ee Mohajer-6.

Hadalsame Media