Arrin keeni karta inay xooluhu ka haqab-beelaan calafka xoolaha oo Somalia ka bilaabatay (Daawo)

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2022 – Somalia waa dal xoolo dhaqato ah oo ay ku dhaqan yihiin malaayiin madax oo xoolo nool oo kala nooca ah, balse ay wayni dhibaato ka haysato maarayntooda gaar ahaan dhanka calafka xoolaha.

Waxaa dhibaatooyinka marka laga soo tago midda dabiiciga ah ee roob yarida iyo dalka oo inta badan lama degaan xigeen ah soo raacda maamul xumo, colaado, qorshe midaysan la’aan iwm., oo wada ah xaalado dad samee ah oo la sixi karo haddii baraarug lala yimaado.

Calafka xooluhu waxa uu badbaado u yahay nolosha xoolaha xilliyada abaarta oo aanay heli karin cowskii iyo baadkii daabiici u baxa ahaa, iyadoo Soomaalida lagu tilmaamo xoolo raacato oo aysan ahayn xoolo dhaqato maadaama aysan ka helin faa’iidada laga heli karo maadaama aysan xoolihii iyo qofkii lahaaba ay isku ag dhimanayaan.

Maxamed Weli Maxamuud Siyaad oo jooga beer lagu beero cows loogu tala galay in xoolaha la siiyo ayaa ka sheekeeynaya sida looga faa’iidaysan karo arrintan oo ah mid si wayn ay Somalia ugu baahan tahay.

Arrintan ayaa haddii ay hesho baraarug bulsho iyo qorshe dowladeed oo aan kala ridasho iyo ribix raadis gaar ah ku dhisnayn keeni karta inay Somalia bullaasho, maadaama uu dalku xoolaha aad ugu tiirsan yahay.

Hadalsame Media