Ukraine oo dalkeeda ka cayrisey danjirihii dal Muslim ah kaddib markii dagaalka lagu ”arkay hubkooda” + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2022 – Ukraine ayaa sheegtay inay aqoonsigii danjirennimo kala noqotay Safiirka Iran ee Kiev ayna “si wayn u dhimi doonto” tirada diblamaasiyiinta Safaaradda, taas oo jawaab u ah “ficilka aan saaxiibtinimada lahayn ee Tehraan” ee ka iibinta diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

Hubka siinta Moscow “waxay si toos ah uga soo horjeeddaa mowqifka dhexdhexaadnimada, ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Ukraine” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ukraine, iyada oo intaa ku dartay “in ficilkaa aan saaxiibtinimada lahayn uu dhaawac wayn gaarsiiyey xiriirka Ukraine iyo Iran.”

Go’aanka ah in aqoonsiga lagala noqdo islamarkaana dalkaa laga eryo tiro diblamaasiyiin ah oo aan weli la cayimin ayaa la gaarsiiyey mas’uulka sare ee diblomaasiyiinta Iran fiidnimadii xalay.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Ukraine ayaa sheegtay in ay burburisey lix ka mid ah “diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is miidaamiya ee loo yaqaan Kamikaze ee Ruushka ku dagaallamayey balse ay bixisay Iran.”

Sida laga soo xigtey sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshada, ciidamada Ruushka ee ka howlgala Ukraine ayaa isticmaalayey diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn ee kamikaze-ga oo ay ku calaamadsan tahay Geran-2 (Geranium), taasoo u eeg diyaaradda Shaheed-136 oo ay Iiraan samaysay.

Muuqaal aan la xaqiijin oo laga soo duubay magaalada Odessa Jimcihii ayaa muujinayey Ciidamada Ukraine oo biyaha kasoo saaraya nooc kale oo ah nooca aan duuliyaha lahayn dhanka Badda Madow.

Diyaaradaa aan duuliyaha lahayn ayaa lagu soo warramayaa inay u egtahay nooca wax lagu basaaso ee Mohajer-6.

Mohager-6
Shaheed-136

Hadalsame Media