DEG DEG: Muqdisho, Ciidamada Booliiska oo soo qabtay haweeney gabar silcinaysey + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2022 – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Gabdhan aad u jeedan oo lagu magacabo Shukri Cabdullahi Xaashi oo ahayd haweenay dishay islamarkaana silcisay gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay 9 sano jir, waxa ay hadda ku xiran xarunta dembi baarista ee CID ee magaalada Muqdisho.

Shukri ayaa la sheegay in ay gabadha saqiirta ay ku fadhiisatay iyada aysan dhalin islamarkaana aan la garanaynin gabadha cida dhashay.

Ha yeeshee, dadka degaanka ee Degmada Deyniile ayaa sheegay inay kasoo wadday gabadha yar halka dad kale ay sheegayaan in ay Eedo u tahay gabadha.

Muuqaalka gabadhaan yar ee la jirdilayo ayaa maanta ku faafay baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook.

W; D: Siid Cali Xasan Cali

Hadalsame Media