Falanqayn ku saabsan sababta, ujeedka & caqabadda tillaabada Deni qaaday ee 2 daran mid doorada ah (Daawo)

0

(Garoowe) 24 Sebt 2022 – PUNTLAND – LABA DARAN MID DOORO – Shalay, Jimcihii gelankii dambe ilaa maanta, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, waxa uu noqday ciwaan sameeya masraxa lagu gorfeeyo siyaasadda Soomaaliya.

Dhowr is-bedel oo uu ku sameeyey Xukuumaddiisa waxa ay abuurtay hadal-hayn, inta ku fooggan siyaasadana, dhinacyo badan ayey u rog-rogeen.

Shan wasaaradood ayuu is bedel ku sameeyey, afar, ka mid ah rag cusub oo uu ka mid yahay Cabdi Faarax Juxa, oo uu Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyenta ku qoray ayuu keenay, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancadda, waxa uu u beddelay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyadda, oo la qaaday Xasan Shire Abagaal – waa hal-ka giraanta sheekadu ku wareegi doonto iyo BIYAHA DHACA dhaq-dhaqaaqyaddii iyo tallaabooyinkii Siciid Cabdullahi Deni.

Hadaba, sheekhadan waxaan ku gorfeyn doonnaa halka ay jiridda ku hayso tallaabooyinka Siciid Deni, ujeedooyinka uu ka leeyahay, caqabadaha horyaal iyo sida ay Puntland dhexda ugu gashay ‘laba daran, mid dooro.

Waxaa warbixinta gorfaynaya Maxamed Kaafi.

Hadalsame Media