Turkiga oo sheegay inuu qorshe fog ka leeyahay hubaynta Afrika (Ciidanka Somalia oo…)

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2022 – Wershadaha agabka difaaca Turkiga ayaa waxay sameeyaan agabyo kala duwan oo tayo sare leh oo loogu talagalay wadamada Afrika kuwaasoo ay durba dalal badani xiisaynayaan ama iibsadeeno, madaxa Wershadaha Difaaca (SSB) ayaa sidaa sheegay Jimcihii.

Ismail Demir ayaa u sheegay maalinlaha Turkiga ee Daily Sabah isagoo ka qaybgelaya Bandhigga Duulimaadyada iyo Difaaca Afrika (AAD2022), kaas oo lagu qabto caasimadda maamulka ee Koonfur Afrika, Pretoria, in agabka Turki sameega ihi uu haatan safka hore uga jiro Afrika oo haatan Turkiga u aragta dal ka mid ah kuwa ugu wanaagsan samaynta agabka ciidamada iyo tiknolojiyadda la xiririirta.

Waxaa carwadan ka qaybgalay ilaa 25 shirkadood oo ka socda dalka Türkiye oo qura iyo qaar kale oo dunida ka socda.

Demir ayaa sheegay in shirkadda wayn ee agabka difaaca Turkiga ee Aselsan ay horay ula shuraakowday shirkad ku taal Koonfur Afrika, taas oo awood u siisay inay gaarto qaaradda Afrika.

Dalka Somalia ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya ee adeegsada qaar ka mid ah hubka Turki sameega ah ee kala duwan sida gawaarida gaashaaman ee unug-qaadka ah iyo hubka fudud.

Hadalsame Media