Shacabka oo si adag uga fal-celiyey hadalka kasoo baxay ATMIS oo ku sheegteen inay ku jiraan dagaalka socda

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2022 – Waxaa weli soconaya dagaalka lagu qaaday Shabaabka oo muddo dheer ummadda ku hayey dhaqamo arxan darro ah oo aan wax xiriir ah la lahayn diinta Islaamka, kuwaasoo ay ugu dambeeyeen dad rayid ah oo lagu laayey gobollada dhexe oo dad lagu laayey kaabayaal muhim ahna lagu burburiyey Galguduud iyo Hiiraan iyo Gobolka Banaadir oo lagu weeraray hoteel ay dad rayid ihi ku jireen.

Dagaalka socda oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Macawisleeyda degaanka, ayaa dhulal badan lagu xoreeyey, balse Ciidamada ATMIS oo sanadihii dambe tiradooda la kordhinayey balse aan wax tillaabo ah qaadin ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegayaan inay dagaalka ku jiraan.

”Qorshaha wadajirka ah iyo isku xirka taliyayaasha XDS iyo ATMIS ayaa keenay in la xoreeyo dhulka Aboorrey, Yasooman, Booco, Sinadhaqo iyo degaanno kale. Argagixisada dib ayaa loo riixay, oo hadda waa baxsad.” ayay kusoo qoreen Twitter-ka.

Ha yeeshee, waxaa weerar kusoo qaaday dadwayne ka caraysan hab-dhaqankooda iyagoo ku doodaya inay been sheegayaan oo aysan dagaalka ku jirine ay dhufaysyadooda isku ilaalinayaan.

”Nah, Ammaantan waxaa iska leh oo keliya geesiyaashayada XDS. Wax talo ah kuma lihidin tan oo waxaad sawirro ka qaadanaysaa aagga la xoreeyey si aad u heshaan lacag uun.” ayay usoo qortay gabar usoo jawaabtey.

”ATMIS waxay rabtaa inay dhexda iskaga soo tuurto guusha CDS iyo Macawisleey oo ay sheegtaan dhiiggooda iyo dhidudkooda. Duf ku baxa!!” ayuu mid kale usoo qoray.

Hadalsame Media